Wararka Suuqa Maanta: Torres, Mbappe, Sanches, Vlahovic, Eriksen, Isco, Benitez

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa isha ku haysa weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic oo xilli ciyaareedkan koox iyo xulba 19 gool soo dhaliyay. (La Repubblica)

Barcelona ayaa wadahadalo la xidhiidha Ferran Torres la yeelatay Man City, Torres ayaa sagaal gool iyo saddex caawimo usoo sameeyay Sky Blues 28 kulan oo Premier League ah. (ESPN)

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay in xaalada dhaqaale ee kooxdiisa ee haatan ay ka dhigantahay inaysan saxeexyo samayn karin. (Marca)

Everton guddoomiyaheeda Bill Kenwright ayaa kulan deg-deg ah iskugu yeedhay boodhka kooxdiisa iyadoo mustaqbalka Rafael Benitez laga wada hadlayo. (Mirror)

Liverpool ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee kooxda Lille ee Renato Sanches oo 34 Milyan oo pound lagu qiimeeyo. (Fichajes – in Spanish)

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa sheegay in daafaca dhexe ee Nat Phillips uu kooxda ka tagi karo January. (Goal)

Lille weeraryahankeeda ree Canada ee Jonathan David ayaa kamida xiddigaha ay diirada ku hayso Arsenal, sidoo kale Calvert-Lewin oo Everton ka tirsan ayaa lala xidhiidhinayaa Gunners. (London Evening Standard)

Everton ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Zenit ee Sardar Azmoun oo hore loola xidhiidhinayay West Ham, Tottenham iyo Arsenal. (90min)

Inter Milan khadkeeda dhexe ee Christian Eriksen ayaa ku dhaw inuu kansalo heshiiskiisa kooxdaas xilli uusan wax kubad ah ciyaarin tan iyo markii wadne xanuunku kusoo booday intii uu socday tartankii Euro. (Calciomercato)

Real Madrid ayaa aaminsan inay la saxeexan doonto Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG dhacayo xagaaga dambe. (AS)

Real ayaa dhinaca kale diyaar u ah iibinta 29 sano jirka khadka dhexe ee Isco. (90min)

Manchester United ayaa dalban karta tababaraha kooxda New York Red Bulls ee Gerhard Struber si uu tababare ku xigeen ugu noqdo Ralf Rangnick oo ay kusoo wada shaqeeyeen Red Bull Salzburg. (Sun)

Barcelona khadkeeda dhexe ee Frenkie de Jong ayaan bixi doonin suuqa January walow lala xidhiidhinayay kooxo dhawr ah oo laga xusi karo Manchester City. (Sky Sport Italy)

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*