Home Horyaalada Kale Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Maanta, Dybala, Trippier, Wan-Bissaka, Ozil, Almada

Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Maanta, Dybala, Trippier, Wan-Bissaka, Ozil, Almada

0
Photo/Ciyaaro.com

Ciyaaro.com halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay maanta oo Isniin ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Argentina ee Paulo Dybala oo 27 sano jir ah ayaa loo bandhigay lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League ee Man United, Man City, Arsenal, Liverpool, Tottenham iyo Chelsea. (90 Min)

Manchester United ayaa qiimaynaysa xaalada daafaca midig ee Atletico Madrid ee Keiran Trippier xilli Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo inuu tartan geliyo Aaron Wan-Bissaka. (Telegraph)

Khadka dhexe ee Arsenal ee Mesut Ozil ayaa aaminsan inuu dalab ka heli doono koox kale oo weyn balse aan doonayn inuu Arsenal ka tago kahor suuqa xagaaga. (Mirror)

Manchester United ayaa ah kooxda hoggaanka u haysa saxeexa da’yarka ree Argentina ee Thiago Almada oo ka tirsan kooxda Velez Sarsfield. (Todo Fichajes, via Team Talk)

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday inuu sugayo inay kooxdu talaabada koowaad ka samayso arrimaha heshiiskiisa la xidhiidha. (Mirror)

Arsenal ayaa ku qasbanaankarta inay suuqa January dalab ka gudbiso oo aysan xagaaga la sugin saxeexa Dominik Szoboszlai kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay dalab u dirayso kooxdiisa RB Salzburg. (Express)

Shikradda gacan-saarka maalgelineed la leh Manchester United ee Chevrolet ayaa aaminsan inay ganacsigooda u fiicantahay inay Man United ka caawiyaan dhaqaale ahaan lacagta ay dib ugula soo saxeexan karto weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo. (Auto Esporte, via Sun)

Paris St-Germain agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaa hoos u dhigay suurogalnimada ay kooxdu kula soo saxeexanayso 33 sano jirka Barcelona ee Lionel Messi haddii uu sanadka dambe ka tago Camp Nou. (Mail)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here