Wararka Xanta Suuqa Kala iibsiga ee maanta Samuel Chukwueze, Pau Torres, , Memphis Depay, Dembele

Photo/Ciyaaro.com

Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya saxiixa garabka kooxda Villarreal Samuel Chukwueze , sida lagu sheegay warbixin.

21 jirkaan ayaa si joogta ah uga mid noqday kooxda koowaad ee Villarreal xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay, isagoo saftay 37 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii 2019-20, waxaana uu ka soo muuqday dhamaan kulamadii ay ciyaareen ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Chukwueze ee kulamadaas ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo Real Madrid loo maleynayo inay hogaamineyso loolanka loogu jiro saxiixiisa.

La Razon ayaa sheeganeysa in Madrid ay isha ku heyso labo ciyaaryahan Villarreal Chukwueze iyo Pau Torres , waxaana ay diyaar u yihiin inay bixiyaan € 65m (£ 57.9m) iyo ciyaaryahanka bedelkiisa

Si kastaba ha noqotee, waxay la kulmi karaan tartan gaar ah Chukwueze, iyadoo ilaa lix kooxood oo Premier League ka mid ah kuwa oo isha ku haya laacibka ka ciyaara garabka.

Manchester United ayaa loo maleynayaa inay u aragto ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria bedelka Jadon Sancho, halka Chelsea, Liverpool, Wolverhampton Wanderers, Everton iyo Leicester City ay sidoo kale xiiseynayaan.

Man United ayaa loo tixgeliyaa inay tahay kooxda ugu weyn ee kula tartameysa saxiixiisa ciyaaryahanka, inkastoo Villarreal la rumeysan yahay inay heysato qandaraaskiisa oo dhan € 80m (£ 71.3m) oo dhameystiran

Chukwueze wuxuu dhaliyay 13 gool wuxuuna caawiyay 12 kale 90 kulan oo uu u saftay markabka Yellow Submarine.

Barcelona oo ku raad joogta laacibka reer Holland

Lyon ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso suurtagalnimada in Memphis Depay iyo Moussa Dembele ay ka tagaan kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Memphis ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana doonaya Barcelona, ​​oo uu tababaraheeda Ronald Koeman uusan qarinin rabitaankiisa ah inuu laacibka ay dhalashada wadaagaan keenaan Camp Nou.

Ciyaaryahanka qudhiisa ayaa si cad uga dhawaajiyay in oo dhaqaaqi doono bisha Janaayo, marka Lyon ay dooneyso inay lacag ka hesho kabtankooda halkii ay xagaaga dambe bilaash ku waayi lahayd.

MAN UNITED IYO WEST HAM AYAA XEYSNAYA DEMBELE

Le 10 Sport ayaa warinaya in kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ay ka cabsi qabto in Dembele sidoo kale baxo, iyadoo Manchester United iyo West Ham United ay ka mid yihiin kooxaha lala xiriirinayo weeraryahankii hore ee Celtic.

Lyon ayaa bilowday inay raadiso beddelka labada weeraryahan, iyadoo weeraryahanka Reims Boulaye Dia iyo weerar yahay Leicester City Islam Slimani loo maleynayo inay ugu sarreeyaan liistadooda.

Dia qandaraaska uu kula joogo Reims wuxuu dhacayaa 2022, halka Slimani lagu heli karo wakiil bilaash ah xagaaga dambe ama qiimo jaban bisha Janaayo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*