Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee ugu danbeeyay, Pepe, Mbappe, Haaland, Fernandinho, Evans

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada wararka xanta suuqa kala iibsiga ee maanta oo ciyaaro.com idin soo koobtay

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iska iibiso ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Ivory Coast Nicolas Pepe haddii la helo kooxo diyaar u ah iibsiga xidigan (Daily Star Sunday)

Manchester United ayaa daawaneysa xaalada qandaraaska Jonny Evans ee kooxda Leicester , waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan inay 32 jirkoodii hore ee daafaca dib ugu soo celiyaan Old Trafford. (Sun on Sunday)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil iyo kooxda Man City ee Fernandinho oo 35 jir ah ayaa aaminsan in aan heshiis kale laga siin doonin kooxda waxana uu qarka u saaran yahay in uu ka tago Etihad Stadium dhamaadka xilli ciyaareedkan.(Sunday Mirror)

Mudnaanta Real Madrid ayaa ah inay la soo saxiixato 21 jirka Paris St-Germain iyo weeraryahanka reer France Kylian Mbappe sannadka 2021 ka hor inta aysan isku dayin inay keenaan weeraryahanka reer Norway Erling Braut Haaland, 20, oo ka socda Borussia Dortmund sannadka 2022. (AS)

Daafaca reer Spain ee Barca Gerard Pique, oo 33 jir ah, ayaa rajeynaya in kooxda ka dhisan Nou Camp ay sasabato Messi si uu u sii joogo. (ESPN)

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Philippe Coutinho wakiilkiisa ayaa sheegay in 28 jirkaan uusan qorsheyneynin inuu ka tago Barcelona ka dib markii lala xiriiriyay kooxda reer Talyaani ee Juventus. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Weeraryahanka reer Argentina Lautaro Martinez ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Inter Milan wuxuuna wakiilka Jorge Mendes u xil saaray raadinta koox cusub. (Marca)

Manchester City ayaa raadineysay Martinez in ka badan sanad, iyadoo Barcelona iyo Real Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan 23 jirkaan. (Sunday Mirror)

Wakiilka Sassuolo’s Domenico Berardi ayaa sheegay in weeraryahanka reer Italy uu qiimihiisu yahay 50m euros isla markaana 26 jirkaan uusan dooneynin inuu ku qasbo inuu ka tago kooxda ka dhisan Serie A. (Football Italia)

Lix shirkadood ayaa xiiseynaya suurtagalnimada in lala wareego West Bromwich Albion laakiin milkiilaha Guochuan Lai ayaa laga yaabaa inuu ku dhibtoodo inuu gaaro 150 milyan oo ginni oo ah qiimaha uu ku doonayo kooxda Premier League.  (Mail on Sunday)

waa intaasi wararka ciyaaraha ee dhanka suuqa la soco qeybaha kale

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*