Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub, Bissouma, Giroud, Salah, Mbappe, Alaba

Photo/Ciyaaro.com

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Brighton e Yves Bissouma oo 24 sano jir ah oo hore bar-tilmaameed ugu ahaa kooxaha kala ah Liverpool, Arsenal iyo Real Madrid. (Express)

Marseille ayaa jeclaan lahayd inay la saxeexato weeraryahanka 34 sano jirka ah ee kooxda Chelsea ee Olivier Giroud. (le10sport)

Liverpool ayaa qiimaynaysa inay iska iibiso xiddiga kooxdeeda aan ku faraxsanayn ee Mohamed Salah sida uu sheegay saaxiibkiisii hore ee Mohamed Aboutrika. (Bein Sports via Goal)

Real Madrid ayaa aad ugu kalsoon inay xagaaga dambe lasoo saxeexan doonto 22 sano jirka weerarka PSG ee Kylian Mbappe. (90 Min)

Khadka dhexe ee ree Spain ee Isco oo 28 sano jir ah ayaa doonaya inuu iskaga tago Real Madrid suuqa January balse kooxdaasi ayaan wax dalabaad ah u helin ilaa haatan. (AS)

Bayern Munich guddoomiyaheeda Karl-Heinz Rummenigge ayaa aqbalay inuu baxayo David Alaba oo 28 sano jir ah oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad saxeexiisa. (Marca)

Khadka dhexe ee ree Brazil ee Allan ayaa sheegay inuusan laba jeer ka fikirin heshiiskii uu Everton ugu soo biiray suuqii xagaaga isagoo sheegay in kusoo biiristiisa uu door muhiim ah ka ciyaaray mashruuca kooxdu. (Liverpool Echo)

Kabtankii hore ee Man United ee Roy Keane ayaa sheegay in Red Devils ay horyaalka ku cadaadin karaan Liverpool isla markaana ay noqon karaan kooxda ugu dhaw dhaw Reds. (Sky Sports)

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa hoos u dhigay fursada ay ku fasaxayaan weeraryahanka kooxda ee Paulo Dybala. (Mail)

Manchester City ayaa rajaynaysa inay dhagaysato dalabaadka laga soo gudbinayo 24 sano jirka kooxdeeda ee Oleksandr Zinchenko (Express)

Daafaca dhexe ee Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn xaaladiisa kooxda ee haatan balse ku adkaystay inuusan raadinayn inuu kooxda ka baxo bisha January. (ZDF via Mail)

Garabka ree Japan ee Takefuso Kubo ayaa heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Villarreal ay bisha Jnauary kusoo koobi kartaa Real Madrid kaddib markii uu hoos uga dhacay xulashada tababare Unai Emery. (AS)

Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*