Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta, Hudson-Odoi, Haaland, Szoboszlai, Messi, Grealish, Wijnaldum

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan.

Bayern Munich ayaan ceyrsan doonin ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Callum Hudson-Odoi bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga (Goal)

Manchester City iyo Manchester United ayaa labaduba la filayaa inay muujiyaan xiisaha ay u qabaan saxiixa weeraryahanka reer Norway ee kooxda Borussia Dortmund, Erling Braut Haaland, oo 20 jir ah, bilaha soo socda. (Mail)

Daafaca Bayern Munich David Alaba, oo qandaraaskiisa kooxda uu dhacayo xagaaga soo aadan, ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo Real Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa tartan kala kulmeysa kooxaha Chelsea iyo Paris St-Germain oo ku aadan saxiixa 28 jirka reer Austria. (Marca)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Harry Winks, oo 24 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu kala hadlo gudoomiyaha kooxda Daniel Levy walaac laga qabo mustaqbalkiisa iyo xulka England xagaaga soo aadan Koobka Qaramada Yurub. (Telegraph)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain iyo kooxda Atletico Madrid Koke, oo 28 jir ah, ayaa ka hadlay sida uu u jeclaan lahaa inuu ku qanciyo weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi, oo 33 jir ah inuu kasoo tago Barcelona kuna biiro Atletico madrid, laakiin wuxuu qirtay inay ku adkaan doonto “inuu halkaas ka baxo”. (AS)

Barcelona tababare Ronald Koeman ayaa weli isha ku heya saxiixa Liverpool ee30-sano jirka qadka dhexe ee reer Holland Georginio Wijnaldum. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani, oo 33 jir ah ayaa iska diiday labada koox ee Juventus iyo Inter Milan si uu ugu biiro Man United xagaagan si bilaash ah. (Thesun)

Weeraryahankii hore Louis Saha ayaa aaminsan in Arsenal ay tahay inay ka fiirsato inay dib ula soo saxiixato 34 jirka weerarka ka ciyaara ee reer France Olivier Giroud oo ka yimid Chelsea intii lagu jiray bishaan Janaayo. (Metro)

Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*