Home Horyaalada Kale Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Haaland, Pochettino,...

Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Haaland, Pochettino, Mbappe, Diallo, Saliba, Choudhury

0
Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Saaka waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan

Manchester United ayaa iibin doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba, 27, xagaaga ka dib markii ay aqbashay inuusan saxiixin qandaraas cusub. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaan hubin inay raadineyso 20 jirka garabka ka ciyaara ee reer England Jadon Sancho, iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu aad u xiiseynayo saaxiibkiis Borussia Dortmund iyo 20 jirka reer Norway ee Erling Braut Haaland. (Sunday Mirror)

Tababaraha cusub ee Paris St-Germain Mauricio Pochettino ayaa rajeynaya in 22 jirka weerarka ka ciyaara ee reer France Kylian Mbappe inuu saxiixo qandaraas cusub iyadoo ay xiiseyneyso Liverpool (AS)

William Saliba ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaarkiisa si uu uga tago Arsenal , iyadoo kooxo badan la filayo inay dalab u diraan 19 jirka reer France bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (L’Equipe)

Kooxda Newcastle ayaa ka mid ah kooxaha loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan laacibkii hore ee qadka dhexe ee xulka England iyo kooxda Leicester Hamza Choudhury, oo 23 jir ah (Newcastle Chronicle)

Crystal Palace iyo Leicester ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca reer Turkey ee kooxda Schalke Ozan Kabak, oo 20 jir ah (Mail on Sunday)

Weeraryahanka reer France Olivier Giroud, 34 – oo lala xiriirinayo West Ham  wuxuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Chelsea oo uu kula guuleysto koobab. (Sky Sports)

Laacibka reer Holland ee boosaska badan Timothy Fosu-Mensah, oo 23 jir ah, ayaa doonaya inuu iska sii joogo Manchester United inkasta oo uu dhawaan iska diiday qandaraas cusub. (Manchester Evening News)

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay inuusan ku jiidan doonin magacaabista bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga, si ka duwan kuwa kula tartamaya booska. (Goal)

Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Julian Brandt, oo 24 jir ah bisha Janaayo laakiin agaasimaha isboortiga Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa sheegay inaysan jirin cid xiriir la sameysay . (Bild via Goal)

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa weydiistay taageerayaasha inay dulqaad ka muujiyaan qaab ciyaareedka khadka dhexe ee Jarmalka Kai Havertz, 21, kaasoo kaga soo biiray Bayer Leverkusen bishii September. (Sunday Telegraph)

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa qaba in qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ay tahay inay baxaan iyagoo raadinaya kubad joogto ah. (Ciyaaraha)

Koeman ayaa sheegay inuusan ka qoomameynin inuu arko Luis Suarez oo ka tagaya Barcelona, isagoo sheeganaya go’aankii uu 33 jirka reer Uruguay ugu soo biiray Atletico Madrid bishii September ay qaateen kuwa isaga ka sareeya. (Goal)

Inter Milan ayaa u soo bandhigtay Real Madrid iyo Atletico Madrid ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Tottenham Christian Eriksen Dane, oo 28 jir ah ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris St-Germain. (Marca)

Lasoco Xubinta Wargeysyada labo Waqti Subixi iyo Habeenki

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here