Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka:Zaha, Messi, Suarez, Jordan, Costa, Ramos, Isco, Rice

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Saaka waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan.

AC Milan ayaa raacdo ugu jirtay garabka weerarka Crystal Palace ee Wilfried Zaha oo ay doonayso inay la saxeexato bisha January, waxaanay rumaysan yihiin in 28 jirka reer Ivory Coast uu ka caawin doono inay ku guuleystaan horyaalka Serie A toban sannadood kaddib. (Sun)

Arsenal waxay doonaysaa Joan Jordan oo ah 26 jir u ciyaara Sevilla, si ay u xoojiso khadkeeda dhexe. Laacibkan reer Spain ayaa lagu heli karayaa £32 milyan oo Gini. (Sun)

Lionel Messi iyo Luis Suarez oo labadooduba 33 jirro ah, ayaa qorshaynaya inay ka wada ciyaaraan horyaalka Maraykanka ee Major League Soccer, gaar ahaan kooxda Inter Miami, laakiin waa wixii ka dambeeya 2022. (Catalunya Radio)

AC Milan waxay ku kalsoon tahay inay sii haysan doonto goolhayaheeda 21 jirka ah ee Gianluigi Donnarumma. (Corriere della Sera)

26 jirka reer Turkey ee khadka dhexe ee Hakam Calhanouglu, ayaa sugaya inuu AC Milan ka helo dalab cusub. Isaga iyo kooxda ayaa ku kala aragti duwan mushaharka uu qaadanayo. (Gazetta dello Sport)

Weeraryahanka reer Spain ee Diego Costa oo 32 jir ah, ayaa u sheegay Atletico Madrid inuu doonayo in la burburiyo heshiiskiisa bisha January, si uu iskaga tegi karo. (Goal)

Arsenal waxay ka fiirsanaysaa inay si layaab leh ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Atletico ee Diego Costa. Gunners ayaa doonaysa inay weeraryahankan kusoo kordhiso safkeeda. (AS)

Haddii Costa uu ku biiro kooxaha horyaalka LaLiga ee la xafiiltamaya Atletico Madrid, sida Real Madrid, Barcelona ama Sevilla, waxa uu bixin doonaa £22.7 milyan oo Gini. (El Mundo)

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho wuxuu rajaynayaa inuu la midoobi doono Sergio Ramos oo uu iman doono Spurs, xilli 34 jirkan uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan. (Everning Standard)

Inter Milan ayaa danaynaysa inay lasoo saxeexato weeraryahanka Liverpool iyo xulka Belgium ee Divock Origi. (Corriere dello Sport)

Tababarihii hore ee PSG ee Thomas Tuchel ayaa hoggaaminaya liiska tababareyaal la sheegayo inay Chelsea ka beddelayaan Frank Lampard. (Bild)

Khadka dhexe ee reer Spain ee Isco ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid oo uu u dhaqaaqo Premier League, iyadoo lala xidhiidhinayo Arsenal iyo Everton. (Mundo Deportivo)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*