Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub Grealish, Alaba, Eriksen, Salah, Tarkowski

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan.

Liverpool ayaa kula biirtay kooxaha Manchester United iyo Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa Jack Grealish, oo 25 jir ah, iyadoo Aston Villa ay dalabyo u dirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England. (Mirror)

Manchester United ayaa ku rajo weyn inay ku garaaci karto kooxaha sida Real Madrid iyo Barcelona saxiixa daafaca reer Austria David Alaba oo 28 jir ah kaasoo qandaraaskiisa Bayern Munich uu dhacayo xagaaga soo aadan. (Mirror)

Liverpool iyo Chelsea ayaa sidoo kale labaduba isha ku haya saxiixa Alaba, iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan daafacyadooda. (thesun)

Manchester United iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo xiiseynaya daafaca Schalke Ozan Kabak, oo 20 jir ah, iyadoo kooxda ka ciyaarta Bundesliga ay hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso oo ah £ 40m ilaa £ 25m si ay u hesho laacibka reer Turkey. (dailymail)

Arsenal ayaa raadineysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan iyo Denmark Christian Eriksen, 28, bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (Sportwitness)

Liverpool ayaa hubaal ah inay u soo bandhigto weeraryahankeeda reer Masar Mohamed Salah, 28, kordhinta qandaraaskiisa £ 200,00-asbuucii si meesha looga saaro xiisaha Real Madrid Barcelona iyo Paris St-Germain (goal)

Liverpool ayaa xiiseyneysa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Lille Sven Botman, oo 20 jir ah, kaasoo ay mustaqbalka dheer wada shaqeyn la yeelan karaan ninka kale ee reer Holland Virgil van Dijk. (dailystar)

Bayer Leverkusen ayaa la xiriirtay Manchester United si ay ula saxiixato daafaca dambeedka midig ee reer England Brandon Williams oo 20 jir ah heshiis joogto ah. (skysport)

Ciyaartoyda Arsenal ayaa wajihi doona 25% mushaar dhimis ah hadii ay ka dhacaan Premier League. Hoos u dhigistu waxay garaaci doontaa .5 37.5m oo ah mushaharkooda sanadlaha ah. (Boostada)

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Jordi Farre ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay inay xoojiso dhanka weerarka, waxaana uu magacaabay weeraryahanka Manchester United iyo England Marcus Rashford, oo 23 jir ah, ciyaartoyda uu jecel yahay. 45 jirkaan ayaa sidoo kale balan qaaday inuu dib ula soo saxiixan doono Neymar.(90 daqiiqo)

Caawiyaha Everton Davide Ancelotti ayaa sheegay in weeraryahanka reer England Dominic Calvert-Lewin, oo 23 jir ah, uu awood gaar ah la wadaago xiddiga Juventus iyo Portugal Cristiano Ronaldo, 35. (Talksport)

Liverpool ayaa aqbashay dalab ka yimid Birmingham City oo ku aadan ciyaaryahanka da ‘yarka reer England Calum Scanlon. 15 jirkaan ayaa ka ciyaara dhanka bidix ee daafaca ama khadka dhexe. (thetimes)

Liverpool ayaa haatan bangigeda kasoo saareysa 142m si ay uga soo iibsatay khadka dhexe ee  Barcelona Philippe Coutinho, oo 28 jir ah (Liverpool Echo)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa si joogta ah ugu dallacsiiyay da’yarta Romania, Catalin Cirjan, oo 18 jir ah, inuu ku biiro kooxda koowaad. (Metro)

Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*