Wararka Xanta Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub, Messi, Salah, James, Mbappe, Depay, Gray, Bissouma, Giroud

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan.

Manchester City iyo Paris St-Germain ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiyaan Lionel Messi, iyadoo labada kooxba ay kalsooni ku qabaan in weeraryahanka reer Argentin oo 33 jir ah uu ka tagayo Barcelona (90min)

Xiddiga Manchester United Daniel James, 23, ayaan dooneynin inuu amaah kaga tago bisha Janaayo, iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Wales uu doonayo inuu u dagaallamo booskiisa Old Trafford. (Manchester Evening News)

Hoos u dhaca ku yimid dakhliga Paris St-Germain ee sanadka 2020 ayaa burburin kara qorshayaashooda si ay u sii hayaan weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, xitaa haddii ay iibiyaan ciyaartoy kale, iyadoo Real Madrid ay diyaar u tahay ayna sugeyso saxiixa 21 jirkaan. (AS)

Barcelona ayaa kula soo saxiixan karta xidigaLyon Memphis Depay oo 26 jir ah qiimo jaban £ 4.5m, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay dooneyso inay lacag ka hesho weeraryahanka reer Holland ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin. (L’Equipe)

Daafaca midig ee Arsenal iyo Spain Hector Bellerin, oo 25 jir ah, ayaa diirada u saaran Barcelona hadii Joan Laporta markale loo doorto madaxweynaha. (Sunday Mirror)

Liverpool ayaa tartan kala kulmeysa Real Madrid si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton ee reer Mali Yves Bissouma, oo 24 jir ah ka dib markii uu qanciyay tababaraha Madrid Zinedine Zidane (DefensaCentral)

Ac Milan ayaa meesha ka saartay u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda chelsea iyo xulka qaranka France ee Olivier Giroud oo 34 jir ah taas badalkeedana waxay dooneysaa xiddig da, yar ah oo buuxiya booska weerar yahankooda reer Sweden ee dhaawaca ah Zlatan Ibrahimovic oo 39 jir ah (Inside Futbal)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Ivory Coast Amad Diallo, oo 18 jir ah, ayaa codsaday baasaboor Talyaani ah si uu 37.2 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqo Atalanta una aado Manchester United (Sky Sports)

Daafaca dhexe ee Manchester United Phil Jones ayaa amaah ku doonaya West Brom iyo Derby County bisha Janaayo, halka Burnley ay sidoo kale xiiseyn karto 28 jirkaan hadii ay iska iibiyaan daafaca kale ee reer England James Tarkowski, oo 28 jir ah. (Daily Star Sunday)

David Beckham kooxdiisa MLS-ka ah ee Inter Miami waxay dooneysaa goolhayaha Manchester United Sergio Romero, oo 33 jir ah, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina uu hoos uga dhacayo safka Old Trafford. (Express)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal iyo France Matteo Guendouzi, 21, ayaa ka dhigi kara heshiiskiisa amaahda ah Hertha Berlin mid joogto ah, ka dib markii uu ka farxiyay tababare Bruno Labbadia qaab ciyaareedkiisa. (Talksport)

Daafaca reer Spain Sergio Ramos, oo 34 jir ah, ayaa sii joogi doona Real Madrid “sanado badan” sida uu sheegay tababarihiisa Zinedine Zidane, iyadoo kabtanka kooxda la filayo inuu saxiixo heshiis cusub ka hor inta uusan qandaraaskiisa haatan dhicin xagaaga. (Goal)

Daafaca midig ee Manchester United Aaron Wan-Bissaka, oo 23 jir ah, ayaa gaashaanka u daruuray dalab kale oo ah inuu u ciyaaro DR Congo taa bedelkeedana wuxuu doonayaa inuu u dagaallamo booskiisa xulka England. (The Times)

Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*