Home Horyaalka France Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub Wararka ay ka Qoreen,...

Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga iyo Wargeysyada Yurub Wararka ay ka Qoreen, Neymar, Mbappe, Alaba, Pogba, Messi, De Jong, Hulk

0
Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo waqtigan

Weeraryahanka reer Brazil Neymar, oo 28 jir ah, ayaa sheegay in ka tagitaankiisa Paris St-Germain aysan maxkaxdiisa ka marneyn “. (L’Equipe – in French)

Madaxweynaha PSG Nasser al-Khelaifi ayaa “aad ugu kalsoon” in Neymar iyo weeraryahanka reer France Kylian Mbappe ay isku afgaran doonaan qandaraas kordhinta. (L’Equipe – in French)

Chelsea ayaa ka mid ah afarta koox ee lala xiriirin karo David Alaba inuu doorto daafaca reer Austria oo 28 jir ah hadii uu ka tago Bayern Munich xagaaga soo aadan. kooxaha kale waa Barcelona Real Madrid iyo PSG (Bild, via Sun)

Manchester United ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddiga reer France Paul Pogba suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ka dib markii wakiilka 27 jirkaan uu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan ku faraxsaneyn islamarkaana ay tahay inuu “kooxda iskaga tago”. (theSun)

Real Madrid iyo Juventus ayaa lala xiriirinayay Pogba laakiin Manchester United ayaa shaki ka qabta inay awoodi karaan saxiixiisa. (ESPN)

Garabka reer Spain Lucas Vazquez qandaraaska uu kula joogo Real Madrid wuxuu dhacayaa Juun 2021, 29 jirkaan ayaa sheegay in heshiiska uu u cusbooneysiinayo ay jirto “mowduuc adag”. (Movistar, via Marca)

Lionel Messi wuxuu ku dhibaateen karaa isku dheelitirka dhaqaalaha ee Paris St-Germain haddii 33 jirka reer Argentina uu kaga soo biiro Barcelona , sida uu yiri tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger. (goal)

Jordi Farre ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Barcelona ee 24 Janaayo, Messi uu saxiixi doono qandaraas cusbooneysiinta maalinta xigta. (Sport – in Spanish)

Bayern Munich ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona iyo Netherlands Frenkie de Jong, oo 23 jir ah (Mundo Deportivo – in Spanish)

Weeraryahanka reer Brazil Hulk, oo 34 jir ah, ayaa doonaya inuu dhimo 90% mushahar dhimistiisa si uu si xor ah ugu biiro Premier League ka dib markii uu soo afjaray afar sano oo uu la joogay kooxda Shanghai SIPG (Shanghai SIPG(Record, via Sun)

Wolves ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto Hulk si ay ugu buuxiso booska weeraryahanka reer Mexico Raul Jimenez oo dhaawacmay. (Football Insider)

Arsenal iyo Wolves ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo daawanaya horumarka weeraryahanada Valencia iyo Uruguay Maxi Gomez. 24 jirkaan ayaa la iibin karaa sanadka soo socda iyadoo kooxda reer Spain ay dooneyso inay lacag uruuriso. (Boostada)

Arsenal Tottenham Everton iyo Manchester United ayaa daawan doona garabka Jamaica Leon Bailey, 23, kulanka Bayer Leverkusen ee Europa League ee ay la ciyaarayaan Slavia Prague Khamiista. (Mail)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu ka hadlayo mustaqbalka 19 jirka daafaca reer France William Saliba ee kooxda isla markaana “si dhakhso ah ayaa go’aan looga gaari doonaa”. (Express)

Weeraryahanka reer Holland ee kooxda PSV Eindhoven Donyell Malen, oo 21 jir ah ayaa ugu sareeya liiska kooxda Borussia Dortmund si uu u bedelo Jadon Sancho hadii ay iibiyaan garabka reer England,, sanadka dambe (Bild – in German)

Benfica ayaa go’aansatay inay amaah amaah ah ugu dirto Faransiiska Jean-Clair Todibo, oo 20 jir ah, oo ay dib ugu celiso Barcelona bisha Janaayo. Record – in Portuguese)

Kooxda ka ciyaarta horyaalka MLS ee Toronto FC ayaa wareysi la yeelaneysa ciyaaryahanadii hore ee xulka Faransiiska Laurent Blanc iyo Patrick Vieira oo ay u magacaawday jagada tababarenimo ee kooxda. (Boston Globe)

Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here