Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com
La Soco Malin walbo waqtigan.
Weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, 21, ayaa ka dhawaajiyay fursadaha uu kaga tagayo Paris St-Germain ay ku xirnaan karto ogolaanshaha waalidkiis.(Copa 90, via Sun on Sunday)
Juventus ayaa rajeyneysa in Manchester United ay u ogolaan doonto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba, 27, inuu ku laabto Turin bisha soo socota qaab amaah. (Sunday Mirror)
United ayaa durbaba diiday heshiis isdhaafsi ah oo ay la galaan Juve oo ku saabsan garabka reer Brazil Douglas Costa, oo 30 jir ah, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Bosnia ee Barcelona Miralem Pjanic, 30, oo ku aadan Pogba. (Calciomercato)
Aabaha Erling Braut Haaland – daaficii hore ee Leeds Alf-Inge – wuxuu sheegay in 20-jirka reer Norway uu aad ugu faraxsan yahay Borussia Dortmund hada, laakiin uu usii dhaqaaqi karo mustaqbalka. (Tuttosport – in Italian)
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaan meesha ka saarin kubadsameeyaha reer Jarmal Mesut Ozil inuu u ciyaarayo Gunners ka hor inta uusan 32 jirkaan qandaraaskiisu dhamaan xagaaga. (Star on Sunday)
Wolverhampton Wanderers ayaa ku fashilantay inay 19 milyan oo ginni kula soo wareegto 23 jirka daafaca bidix ee Manchester City Oleksandr Zinchenko xagaagan laakiin waxay diyaar u yihiin inay dalab kale ka gudbiyaan xiddiga reer Ukraine suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo. (Star on Sunday)
Gudoomiyaha kooxda Tottenham Hotspur Daniel Levy ayaa diyaar u ah inuu heshiis 18 bilood oo amaah ah ku siiyo 24 jirka khadka dhexe ee reer England Dele Alli, kaasoo doonaya inuu ka tago kooxda bisha Janaayo iyadoo Paris St-Germain ay u badan tahay inuu iska xaadiriyo. (90min)
Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Netherlands Donny van de Beek, 23, uusan sameynin “dookh wanaagsan” inuu ku biiro kooxda ka dhisan Old Trafford. (Ziggo Sport – in Dutch)
Chelsea ayaa ku dhibtooneysa inay raadiso iibsada goolhaye Kepa Arrizabalaga, 26, daafaca bidix iyo daafaca reer Spain Marcos Alonso, 29, iyo 24 jirka daafaca reer Denmark Andreas Christensen, kuwaasoo dhammaantood diyaar ah bisha Janaayo. (Sunday Express)
Arsenal ayaa qarka u saaran inay 19 jirkaan reer France ee William Saliba diyaar u noqoto bisha Janaayo, iyadoo shaki laga qabo inuu diyaar u yahay kubada cagta Premier League. (Football London)
Kala soco Xanta Suuqa maalin kasta Ciyaaro.com