Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga ee maanta: Son, Ramos, Zaha, Ibrahimovic, Ndombele

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan maali walbo 07:00 Am Waqtiga Somaliya anaga oo ku soo qaadano wararka ugu muhiimsanaa ee Suuqa kala iibsiga.

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa aaminsan inay tahay xaalad sugitaan ah “waqtiga saxda ah” marka ay timaado wadahadalka heshiis cusub oo 28 jirka weerarka ka ciyaara ee South Korea Son Heung-min, kaasoo qandaraaskiisa haatan ee Spurs uu dhacayo 2023. (Standard)

Marco Verratti ayaa ku biiray liiska ciyaartoyda Paris Saint-Germain kuwaas oo ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi iyo suurtogalnimada uu ugu biirayo kooxdooda xitaa iyadoo tababaraha Barcelona Ronald Koeman uu ku tilmaamay hadaladaas “ixtiraam darro”. (Goal)

Dhaawaca daafaca reer Spain Sergio Ramos ayaa laga yaabaa inuu hakad geliyo wadahadalo heshiis kordhin ah oo uu kula sii joogayo Real Madrid ilaa uu ka bogsado, iyadoo 34 jirkaan qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga. (Marca)

Kylian Mbappe ayaa si wanaagsan uga fal celiyay heshiis kordhinta saaxiibkiisa Neymar ee kooxda Paris Saint-Germain, isagoo u sheegay warbaahinta inay aheyd “war weyn” (PTS)

Tababaraha Crystal Palace Roy Hodgson ayaa rajeynaya xiisaha garabka Eagles ee Wilfried Zaha xagaaga, iyadoo 28 jirka reer Ivory Coast uu hami ka qabo inuu ka ciyaaro Champions League. (Dailymail)

Juventus ayaa doorbideysa inay dib u soo dhaweyso weeraryahankeeda Alvaro Morata amaah xilli ciyaareedka soo aadan halkii ay ku isticmaali laheyd dookheeda ah inay si buuxda uga iibsato Atletico Madrid, (AS)

Tababaraha kooxda AC Milan Stefano Pioli ayaa sheegay inay sax tahay oo kaliya in weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic “uu kasii ciyaaro” kooxda reer talyaani. 39 jirkaan qandaraaska uu haatan kula joogo kooxda ka dhisan Serie A ayaa dhacaya xagaaga. (Football-italia.net)

Agaasimaha Ajax Marc Overmars ayaa qarka u saaran inuu ka tago shaqadiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo garabka hore ee Netherland lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxihiisii ​​hore ee Barcelona ama Arsenal. (Mundo Deportivo)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, ayaa qirtay inay aheyd inuu bedelo hadii uu doonayo inuu kula guuleysto Tottenham Premier League. (Telegraph)

Weeraryahanka Chelsea iyo Jarmalka Timo Werner, oo 24 jir ah, ayaan wax gool ah dhalinin 14 kulan oo Premier League ah laakiin wuxuu sheegay in, in kasta oo uusan wax gool ah dhalinin “waqti dheer”, hadana “waan sii socon doonaa goolalkuna way imaan doonaan”. (Standard)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*