Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Aguero, Alaba, Dembele, Benitez, Ings, Sanson, En-Nesyri, Palmieri

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Barcelona ayaa rajeyneysa inay si bilaash ah kula soo saxiixan karto weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero oo 32 jir ah iyo daafaca Bayern Munich David Alaba oo 28 jir ah xagaaga marka qandaraasyadooda dhamaadaan xiddigaha reer Argentine iyo Austria. (Mundo Deportivo,)

Chelsea iyo Manchester United ayaa la socda xaalada qandaraaska laacibka reer France ee Ousmane Dembele ee kooxda Barcelona, iyadoo 23 jirkaan uu 18 bilood uga harsan yahay heshiiska uu kula joogo kooxda ka dhisan Nou Camp. (Metro)

Man United ayaa waji ka waji u wajihi doonta Liverpool si ay ula soo saxiixato  daafaca reer France Dayot Upamecano ee RB Leipzig , oo 22 jir ah (Mirror)

Maamulaha Barcelona Ronald Koeman wuxuu ogyahay “xaalada dhaqaale ee kooxda inay saameyn ku leedahay” laakiin wuxuu sheegay in kooxda ay u baahan tahay inay lasoo saxiixato ciyaartoy si ay horumar u sameyso (Goal)

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa ka mid ah magacyada ay Chelsea ka fiirsan karto inay noqoto tababarahooda haddii ay go’aansadaan inay ceyriyaan Frank Lampard. (DailyStar)

Everton iyo Leicester City ayaa xiiseynaya weeraryahanka Southampton iyo England Danny Ings, kaasoo 18 bilood uga hartay qandaraaskiisa kooxda ka dhisan koonfurta xeebta. (90min)

Tababarihii hore ee Liverpool iyo Newcastle United Rafael Benitez ayaa jeclaan lahaa inuu si dhaqso ah ugu soo laabto shaqada maamulka ka dib markii uu ka tagay kooxda reer China ee Dalian Professional, iyadoo kooxaha Napoli iyo Roma ay xiiseynayaan 60 jirkaan reer Spain. (thTimes)

Laakiin Benitez ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu kala wareego Neil Lennon kooxda Celtic (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa go’aan ka gaari doonta mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jesse Lingard ka dib kulankoodii FA Cup ee ay la ciyaareen Liverpool, iyadoo Newcastle United, Sheffield United iyo West Brom ay doonayaan inay amaah ku qaataan 28 jirkaan. (Dailymail)

Daafaca bidix ee reer England Brandon Williams, oo 20 jir ah, ayaa umuuqda inuu amaah kaga tagi doono Manchester United , iyadoo West Ham iyo Southampton ay xiiseynayaan. (TheSun)

Crystal Palace ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato garabka reer England ee kooxda Leicester City Demarai Gray, oo 24 jir ah (Sun)

Aston Villa ayaa dib u habeyn ku sameysay dalabkeedii ay ku dooneysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marseille Morgan Sanson, waxaana ay dhameystireysaa inay 15.5 milyan ginni kula soo wareegto 26 jirkaan reer France. (Dailymail)

Chelsea ayaa dib u dhigtay dalabkii West Ham ee ahaa inay amaah kula wareegto 26 jirka reer Italy Emerson Palmieri. (Mirror)

Burnley ayaa safka hore kaga jirta saxiixa daafaca Stoke Nathan Collins, oo 19 jir ah, Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa. (Sun)

Bayern Munich ayaa bilawday inay horumar ka sameyso wadahadalada heshiis kordhinta ee ay kula jirto 17 jirka qadka dhexe Jamal Musiala iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Liverpool iyo Manchester United ay isha ku hayaan ciyaaryahanka reer England ee U21. (Goal)

Daafaca reer Greece Sokratis Papastathopoulos, oo 32 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda reer Talyaani ee Lazio ka dib markii qandaraaskiisii Arsenal uu dhamaaday. (Gazzetta dello Sport,)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*