Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Dzeko, Lingard, Alli, Draxler, Mustafi, Veron, Gray

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Edin Dzeko ayaa iskaga tagaya kooxda AS Roma kaddib markii ay 34 sano jirkaas isku dhaceen tababare Paulo Fonseca. (Goal)

Dzeko ayaa ku laaban kara horyaalka Premier League waxaana xiiso u muujinnaya Everton iyo West Ham United (Gazzetta Dello Sport via Mail)

Sidoo kale tababaraha West Ham ee David Moyes ayaa doonaya saxeexa Jesse Lingard kaddib markii tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ogolaaday in 28 sano jirkaasi amaah ku baxo. (Evening Standard)

Manchester United ayaa ka shaqaynaysa sidii ay saxeexa weeraryahanka kooxda Palmieras ee Gabriel Veron oo 18 sano jir ah ugu garaaci lahayd kooxo badan oo Yurub ah oo ay kamid yihiin Man City, Barcelona iyo Juventus.. (Sport via Star)

Tababarihii hore ee PSG ee Mauricio Pochettino ayaa doonaya inuu la midoobo 24 sano jirka Tottenham ee Dele Alli markale, PSG ayaa saddex dalab laga diiday balse Pochettino ayaa haysta taageerada madaxda PSG iyadoo loo ogol yahay inuu sii wado doonistiisa. (The Athletic, subscription required)

Shkodran Mustafi ayaa wadahadalo heshiiskiisa bishan January lagu kansalayo kula jira kooxdiisa Arsenal, 28 sano jirkaas ayaa xiiso ka helaya kooxda ree Talyaani ee Lazio si lamid ah kooxaha dalkiisa Germany (Football.London)

Andrea Pirlo ayaa doonaya inuu dib usoo nooleeyo hammiga Juventus ee ah inay horyaalka Serie A ku guuleysat markii 10-aad oo xidhiidh ah isaga oo Bayern Munich kala soo saxeexanaya 24 sano jirka khadka dhexe ee Tolisso iyo 19 sano jirka weeraryahanka ah ee Joshua Zirkzee. (Calciomercato via Mail)

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Newcastle United ee Rafa Benitez oo 60 sano jir ah ayaa doonaya shaqada koox weyn oo Yurub ah gaar ahaan Premier League kaddib markii uu ka tagay kooxda ree Chine ee Dalian Professional. (Independent)

Sevilla ayaa kooxda ree Talyaani ee Atalanta kala heshiisay saxeexa kabtankeedii Papu Gomez, Gomez ayaa maanta u safraya dhinaca Spain. (Di Marzio)

Daafacii dhawaan laga fasaxay kooxda Arsenal ee Sokratis ayaa ku biiray kooxda dalkiisa Greece ee Olympiakos iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu dalab xilli dambe ah ka diiday Liverpool.

Martin Odegaard ayaa shalay ku qaatay xarunta tababarka Arsenal isaga oo la kulmay xiddigaha cusub ee ay isku kooxda noqon doonaan sidoo kalena tijaabada caafimaadka la gudbay. (Charles Watts)

PSG ayaa Real Madrid u bandhigtay dalab saddex sano ah oo uu 15 Milyan oo euro ku qaadanayo sanadkii, Real Madrid ayaan doonayn inay dalab heerkaas gaadhsiisan heshiis cusub ugu bandhigto kabtankeeda. (El Transistor)

Real Madrid ayaa tababaraha RB Leipzig ee Julian Nagelsmann kala xidhiidhay inuu bedelo xagaaga macalinka cadaadisku saaran yahay ee Zinadine Zidane. (Bild)

Tottenham ayaa doonaysa inay bedelka Dele Alli la saxeexato kahor inta aysan 24 sano jirkaas amaah ugu dirin PSG. (RMC Sport)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*