Home Suuqa kala iibsiga Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Gabriel Veron...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Gabriel Veron oo ku biiri kara Man Utd iyo Qodobo kale

0
Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Leicester City ayaa meesha ka saartay heshiiskii ay ku doonaysay khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Christian Eriksen kaddib dalabaadkiisa ah mushahar 300,000 oo Pound ah toddobaadkii. (Telegraph – subscription required)

Bayern Munich ayaa si rasmi ah u shaacisay inay doonayso saxeexa daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Dayot Upamecano kaas oo heshiiskiisa 42 Milyan oo Pound lagu jabin karo. (Mirror)

Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhammaantood xiiso u muujiyay Upamecano oo heshiiskiisa la samayn karo kaliya bisha January. (Goal)

Tottenham khadkeeda dhexe ee Dele Alli ayaa weydiistay guddoomiyeha kooxdiisa ee Daniel Levy inuusan kansalin heshiiska amaahda ah ee uu PSG ugu wareegayo. (90min)

Arsenal ayaa doonaysa inay la saxeexato daafac bidix oo kaabis u noqda Kieran Tierney kahor dhammaadka bishan January. (Express)

Walow ay jiraan xiiso uga imanaya kooxo kale, 22 sano jirka khadka dhexe ee Real Madrid ee Martin Odegaard ayaa ku dhaw inuu ku biiro Arsenal. (Sport – in Spanish)

West Ham ayaa soo af-meertay xiisahay u qabtay saxeexa weeraryahanka Sevilla ee Youssef En-Nesyri oo 23 sano jir ah kaddib markii dalab 27 Milyan oo Pound ah laga soo diiday, Sevilla ayaa 35 Milyan oo Pound dalbanaysa. (Talksport)

West Ham ayaa kaliya 50 Milyan oo Pound hoos ugu soo dhigi karta qiimaha 22 sano jirkeeda khadka dhexe ee Declan Rice sababtoo ah saamaynta uu ku yeeshay xanuunka Korona Fayras. (90min)

Khadka dhexe ee kooxda Independiente del Valle ee Moises Caicedo oo 19 sano jir ah ayaa la filayaa inuu Jimcaha maanta England u duulo si uu heshiis 4.5 Milyan Pound ah ugu wareego Brighton. (Sky Sports)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here