Home Suuqa kala iibsiga Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Long, Mbappe,...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Long, Mbappe, Alli, Rose, Gray, Ramos, Alaba

0
Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan maali walbo 07:00 Am Waqtiga Somaliya

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay amaah kula soo wareegto xidiga kooxda New York Red Bulls iyo daafaca Mareykanka Aaron Long, 28. (ESPN)

Kooxda ka dhisan Anfield ayaa qarka u saaran inay ku qaadato 72-ka saac ee ugu dambeysa suuqa kala iibsiga xilli dambe dalab ay kula soo saxiixaneyso daafac dhexe ka dib markii Joel Matip uu ku soo biiray liiska dhaawacyada. (Telegraph)

Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta xagaagan saxiixa weeraryahanka France iyo Paris St-Germain Kylian Mbappe, 22. (Marca)

Paris St-Germain ayaa dooneysa inay la midowdo tababaraha Mauricio Pochettino ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli, oo 24 jir ah, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay kalsooni ku qabto in ciyaaryahanka reer England uu doonayo inuu sii joogo waqti dheer(Eurosport)

Kooxda reer Turkey ee Trabzonspor ayaa rumeysan inay heshiis la gaareen saxiixa daafaca bidix ee kooxda Tottenham iyo xulka England Danny Rose, oo 30 jir ah (Talksport)

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester City iyo xulka England Demarai Gray oo 24 jir ah ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayer Leverkusen laakiin labada kooxood ayaa isha la raacaya lacagta lagu helayo. (Bild)

Daafaca reer Spain Sergio Ramos, oo 34 jir ah, ayaan weli heshiis cusub la gaarin Real Madrid , bil ka dib markii labada dhinac ay kulmeen si ay uga wada hadlaan kordhinta qandaraaskiisa, kaasoo dhacaya xagaagan. (Marca)

Manchester City ayaa ku sii dhawaaneysa inay la soo saxiixato labo xiddig oo da ‘yarka reer Brazil ee Fluminense Kayky iyo Metinho, oo labaduba ah 17, heshiis ku kacaya £ 9m. (Goal)

Kooxda Pep Guardiola ayaan xiiseyneynin inay baacsato Bayern Munich iyo daafaca Austria David Alaba, 28, bisha Janaayo ama xagaaga, iyadoo kooxda ay diirada saareyso saxiixa weeraryahan. (Manchester Evening News)

Southampton ayaa isku dayeysa inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato Arsenal iyo England Ainsley Maitland-Niles, oo 23 jir ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo Isniinta. (Sun)

West Brom ayaa sidoo kale xiiseyneysa Maitland-Niles, kaasoo doonaya waqti dheeri ah. (Dailymail)

Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham Andre Villas-Boas, oo 43 jir ah, ayaa la filayaa inuu ka tago Marseille dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Eurosport)

Tababaraha Newcastle Steve Bruce ayaa sheegay in kooxdu ay dhageysan doonto dalabyada soo jiidan kara ee ah “ciyaaryahan kasta” oo ka mid ah kooxdooda, oo uu ku jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Scotland Matt Ritchie, oo 31 jir ah, hadii qiimaha uu sax yahay. (Chronilive)

Weeraryahanka Wolves Patrick Cutrone, oo 23 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda Valencia inta ka harsan xilli ciyaareedkaan ka dib markii tababaraha reer Talyaani uu heshiis amaah ah kula jooga Fiorentina uu ku soo dhammaaday xilli hore. (Dailymail)

Weeraryahanka Everton iyo Turkiga Cenk Tosun, oo 29 jir ah, ayaa doonaya inuu amaah ugu laabto kooxdiisii ​​hore ee Besiktas (NTV Spor)

Goolhayaha reer Denmark Jonas Lossl, oo 31 jir ah, ayaa ka tagaya Everton isla markaana dib ugu saxiixaya kooxdiisii ​​hore ee FC Midtjylland (Liverpool Echo)

Birmingham City ayaa qarka u saaran inay kula soo saxiixato Aberdeen iyo weeraryahanka England Sam Cosgrave £ 2m, iyadoo tababaraha Dons Derek McInnes uu isku diyaarinayo inuu lumiyo 24 jirkaan. (Sky Sports)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here