Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Oscar oo doonaya ku soo laabashada Chelsea iyo Qodobo kale

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Xidigii hore ee Chelsea Oscar ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu ku soo laabto kooxdiisa hore. (Goal)

Wakiilka Xidiga Mustafi ayaa warbaahina u xaqiijiyay in Xidiga uu ka tagayo kooxda Arsenal. ( Caughofside)

Daafaca dambeedka bidix ee kooxda Chelsea Baba Rahman ayaa wadahadalo horumar leh kula jira kooxda PAOK si uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda reer Greek, (Goal) .

Liverpool ayaa ku dhow inay la soo wareegto Kaide Gordon: ‘oo 16-sano jir kaasi oo lagu tilmaamay xidig cajiib ah (TheAthletic)

Man United ayaa ogolaatay inay amaah ku dirto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara eeFacundo Pellistri bishaan (caughtoffside)

Aston Villa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay Morgan Sanson oo ay kala soo wareegeen kooxda Marseille iyadoo ciyaaryahanka uu qalinka ugu duugay heshiis afar sano iyo bar ah kooxda West Midlands. (Dailmaily)

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Celtic ayaa haatan ku dhow inay heshiis hordhac ah la gaarto xiddiga Preston North End Ben Davies, kaasoo u arkayay inuu xiddigaas si bilaash ah ugu biiro kooxda reer Scotland xagaagan. (SkySports)

Sida laga soo xigtay Fussball Transfers , Manchester United, Liverpool, Chelsea iyo Real Madrid ayaa laga yaabaa inay niyad jab ku dhacdo madaama Dayot Upamecano uu doonayo inuu u dhaqaaqo Bayern Munich xagaagan. (Fussball Transfers)

Maamulka kooxda Chelsea ayaa wali ku raad joogi doona laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland, inkasta oo Frank Lampard la buriyay hadana rajadaasi ayaa wali jirta, sida laga soo xigtay (Eurosport) .

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay diiday seddex dalab oo ka yimid Paris Saint-Germain oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe Dele Alli ee aan booska joogta ka heysan kooxda. (Sportsmole)

Ole Gunnar Solskjaer ma filayo inuu xidig cusub kooxda yimaado ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga – laakiin tababaraha Manchester United ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartooy fara badan ay bixi karaan. (PA)

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*