Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Thiaga Silva, Angel Di Maria, Edin Dzeko, Lionel Messi,

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Thiaga Silva ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu ku laabto kooxdiisii ​​carruurnimo ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan, laakiin wuxuu sidoo kale sheegay Paolo Maldini inuu ku dhiirigelinayo inuu sii ciyaaro ilaa 40 jir. (Goal)

Tababaraha cusub ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa diirada u saaran ciyaartoy da ‘yar oo ka socota Bundesliga marka ay timaado kala iibsiga xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano. (Caughofside)

Xiddiga garabka uga ciyaara Paris Saint-Germain Angel Di Maria ayaan qorsheyneynin inuu ku laabto Argentina, (Calcio Mercato) .

Edin Dzeko ayaa doonaya inuu ku laabto Manchester City wakiilka Alessandro Lucci ayaa ka shaqeynaya heshiis, sida laga soo xigtay  (Corriere dello Sport) .

Man United ayaa ku dhow inay iska dirto seddex ciyaaryahan iyadoo West Ham ay heshiis la gaartay Jesse Lingard. Amad Diallo iyo Marcos Rojo ayaa iyagana safka ku jira. (Skysports)

Manchester City ayaa dhawaan ogaan doonta rajada ay ka qabto soo xerogalinta xiddiga Barcelona Lionel Messi. ”Fabrizio Romano ”

Falcelin qosol leh ayaa ka timid taageerayaasha Liverpool markii TV-ga lagu arkay in Kooxda ay xiiso u qabto Daaficii hore ee kooxda Martin Skrtel . (Dailymail)

Liverpool ay badali doonto istiraatiijiyadda suuqa kala iibsiga bishaan ka dib labo dhaawac kale oo daafac ah sida warbixinta ugu danbeysay lagu sheegay. (Caughoffside)

Ceyrinta Franka Lampard ee Chelsea ayaa keentay in ay soo dhamaato rajadii Declan Rice ee kooxda Waxana hada xiiseenaya Liverpoo iyo Manchester United. (Goal)

Xidiga Kooxda Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa in uu hada yahay mid u jan jeera ka tagista kooxda. (skysports)

Ainsley Maitland-Niles ayaa kooxda Arsenal ku riixaya sidii uu amaah uga tagi lahaa kooxda madama uu boos jooga ah ka waayay kooxda. Caughoffside)

Arsenal iyo Chelsea ayaa xiiseynaya daafaca Scotland ee Hibs Josh Doig (Skysports)

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Deportivo Alaves oo ku saabsan suurtagalnimada Facundo Pellistri uu ugu biirayo kooxda reer Spain amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan,  sida ay  fahamsan tahay (Goal) .

Liverpool ayaa qarka u saaran inay la soo saxiixato xiddiga kooxda Derby ee Gordon. (Goal)

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*