Home Horyaalada Kale Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Xaaladka Messi...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: Xaaladka Messi ee Barcelona, Pogba oo go’an Cusub gaaray iyo Qodobo kale

0
Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu mugdi sii galinayo kooxda Barcelona xataa mustaqbalka dhow sababo la xiriira in kooxda aysan xidigo muhiim ah lasoo wareegin.(Marca)

Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tagidoono Manchester United hadii markaasi uu kula guuleesto Horyaalka. (Ligafinacial

Arsenal ayaa dalab Real Madrid u gudbisay iyagoo ka doonaya 22 sano jirka khadka dhexe ee Martin Odegaard. (Sky Sports)

Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya in Odegaard uu kusii dhawaanayo inuu ku biiro kooxda Sevilla. (Cuatro – in Spanish)

Arsenal ayaa khadkeeda dhexe ee ree England ee Emile Smith Rowe u bandhigaysa heshiis cusub oo ay 40,000 oo Pound toddobaadkii ku siinayaan. (Mail)

Tottenham, West Ham iyo Sheffield United ayaa kamida kooxo tiro badan oo doonaya inay qaab amaah ah ku qaataan 28 sano jirka Manchester United ee Jesse Lingard. (Talksport)

Paris St-Germain ayaa qorshaynaysa inay si layaab leh ugu dhaqaaqdo saxeexa daafaca dhexe ee Manchester City ee Eric Garcia kaas oo ay Barcelona qaab bilaash ah ku doonayso sugaysona ilaa dhammaadka xilli ciyaareedk. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Chelsea ayaa doorbidaysa inaysan tababaraheeda culaysku saaran yahay ee Frank Lampard ku bedelin tababare ku meel gaadh ah badhtamaha xilli ciyaareedka. (Independent)

Balse Lampard ayaa shaqada laga caydhin doonaa haddii natiijooyinka Chelsea aysan deg-deg u horumarin. (Sky Sports)

Daafaca bidix ee kooxda Tottenham ee Danny Rose oo 30 sano jir ah ayay doonaysaa kooxda ree Turkey ee Trabzonspor xilli heshiiskiisu dhammaadka xilli ciyaareedkan dhacayo. (Mail)

West Ham ayaa dalab cusub oo 32 Milyan oo Pound ah u gudbinaysa saxeexa 23 sano jirka ree Morroco iyo kooxda Sevilla ee Youssef En-Nesyri. (Star)

Wolves ayaa ku dhaw inay heshiis amaah ah ku qaadato weeraryahanka kooxda Real Sociedad ee Willian Jose oo 29 sano jir ah. (Telegraph)

Xiddiga bar-tilmaameedka u ah Arsenal ee Emi Buendia ayaa aqbalay in Norwich City aysan wax 40 Milyan oo Pound ka yar ku fasixi doonin, 24 sano jirkaas ayaa ku rajo weyn inuu xagaaga bixi doono. (Mail)

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxeexa 18 sano jirka weerarka kooxda Palmeiras ee Veron (Sport – via Star)

37 sano jirka kooxda Fiorentina ee Frank Ribery ayaa la tilmaamayaa inuu u furan yahay ku laabashada horyaalka Bundesliga maadaama qandaraaskiisa Viola uu xagaaga dhacayo. (GOAL)

Bayern Munich ayaa ku dhaw saxeexa 22 sano jirka daafaca midig ee kooxda Reading ee Omar Richards. (Bild)

Inter Milan iyo Arsenal ayaa ka fikiraya heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi oo ay ku kala helayaan Lucas Torriera iyo Christian Eriksen. (Tuttosport)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here