Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee maanta: David Luiz, Marcos Rojo, Neymar, Jonjoe Kenny, Lional Messi

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan maali walbo 07:00 Am Waqtiga Somaliya anaga oo ku soo qaadano wararka ugu muhiimsanaa ee Suuqa kala iibsiga.

Arteta ayaa amaanay Luiz laakiin wuxuu sheegay inaysan wax wadahadal ah ka gaarin heshiiska cusub ee xidigan. (Goal)

Manchester United ayaa isku raacay in la joojiyo heshiis Marcos Rojo ee, amaahda uga tagi lahaa kooxda Daafaca reer Argentina ayaa la filayaa inuu ku laabto dalkiisa hooyo si uu u matalo Boca Juniors.v (Sun)

Neymar ayaa xaqiijiyay markii ugu horaysay in uu ku faraxsan yahay sii joogista kooxda Paris Saint-Germain inkasta oo si joogto ah loo hadal hayo mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee France (Goal)

Celtic ayaa qarka u saaran inay heshiis amaah ah kula soo wareegto ciyaaryahanka Everton Jonjoe Kenny, sida ay qortay (Daily Star) .

Liverpool ayaa ogolaatay lacag dhan 2 milyan oo euro oo ay kula soo saxiixanayso daafaca kooxda Preston Ben Davies ka hor maalinta isniinta ee suuqa kala iibsiga. (Goal)

Liverpool ayaa diirada saareysa dhamaadka bisha Janaayo saxiixa Preston’s Ben Davies.

Udinese ayaa ogolaatay inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester City Jayden Braaf inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (Skysports)

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Facundo Pellistri ayaa amaah ugu biiray kooxda reer Spain ee Alaves inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (Manchester Evening News)

Wargeyska  El Mundo  ee ka soo baxa Spain ayaa sheegay in ay marin u heleen dukumiintiga Messi uu la saxiixday kooxda reer Catalan sanadkii 2017, oo ay ku jiraan dakhliyo go’an iyo kuwo dheeri ah oo xilli ciyaareedkiiba gaari kara ku dhowaad 138 milyan oo ginni (£ 122m), taasoo daabacaaddu sheeganeyso inay tahay qandaraaskii ugu qaalisanaa ee abid la bixiyo. ciyaartooy. (El Mundo)

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*