Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Mbappe, Fernandinho, Koulibaly, Ozil, Tomori

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa ka fiirsanaya inuu dib ugu soo celiyo Stamford Bridge tababarihiisii ​​hore Avram Grant si uu u caawiyo tababare Frank Lampard. (Sky Sports)

Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay iibiso lix ciyaaryahan xagaagan si ay lacag ugu uruuriso saxiixa weeraryahanka Paris St-Germain ee reer France Kylian Mbappe, oo 22 jir ah weeraryahanka reer Wales Gareth Bale, daafaca bidix ee reer Brazil Marcelo, weeraryahanka reer Serbia Luka Jovic iyo seddexda Isbaanish ee Isco, Dani Ceballos iyo Brahim Diaz ayaa ah ciyaartooyda loo calaamadeeyay. (AS)

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero waxaa doonaya kooxaha Barcelona iyo Paris St-Germain. Xiddiga reer Argentine, oo 32 jir ah, ayaa lagu heli lahaa beeca xorta ah markii uu qandaraaskiisu dhammaado xagaagan. (Thesun)

Daafaca Manchester United Timothy Fosu-Mensah oo 23 jir ah ayaa qarka u saaran inuu 1.5 milyan ginni ugu dhaqaaqo Bayer Leverkusen ka dib markii uu iska diiday qandaraas kordhinta uu u sameynayo Old Trafford. (Manchester Evening News)

Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay la saxiixato 22 jirka daafaca Reading Omar Richards heshiis hordhac ah. Everton iyo West Ham ayaa sidoo kale xiiseynayay ciyaaryahanka reer England, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Theguardian)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Fernandinho, 35, ayaa weli sii dheereyn kara joogitaankiisa Manchester City madaama uusan hubin inuu dalabyo ka helayo Yurub iyo Koonfurta Ameerika marka qandaraaskiisu uu dhammaado xagaaga. (Telegraph)

Arsenal ayaa isha ku heysa garabka Shakhtar Donetsk Manor Solomon, iyadoo dooneysa inay dalab ka gudbiso 21 jirka reer Israel xagaaga. (Theguardian)

Daafaca Napoli Kalidou Koulibaly – oo si aad ah loola xiriirinayo Liverpool, Manchester City iyo Manchester United – ayaa la iibin doonaa kaliya suuqa kala iibsiga bisha Janaayo haddii koox ay 100 milyan oo ginni ku dalbato 29 jirka reer Senegal. (Talksport)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Casemiro, oo 28 jir ah, ayaa leh qiimaha ugu sarreeya suuqa dhamaan ciyaartoyda haatan ee Real Madrid , ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen khabiirada hanti dhowrka ee KPMG. (Mundo Deportivo)

Daafaca bidix ee kooxda Barcelona Junior Firpo ayaa qarka u saaran inuu sii joogo garoonka Cump Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartooyda inkastoo ay xiiseynayaan 24 jirkaan reer Spain. (Marca)

Jose Mourinho ayaa ka jawaab ka bixiyay soo jeedintii qadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil ee ahaa inuu door bidi lahaa ka fariisashada halkii uu u ciyaari lahaa Tottenham. Tababaraha Spurs Mourinho ayaa sheegay inuusan dooneynin 32 jirkaan reer Jarmal. (thesun)

AC Milan ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Chelsea ee 23-sano jirka ah Fikayo Tomori qaab amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (theguardian)

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo 23 jirka qadka dhexe ee kooxda Sassuolo Manuel Locatelli. (Dailmaily)

Weeraryahanka kooxda Leicester City iyo xulka Algeria Islam Slimani oo 32 jir ah ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaco ah tijaabada caafimaadka u maro kooxda reer France ee Lyon (Sky Sports)

Tottenham, Sheffield United, Rangers iyo Celtic ayaa dhamaantood xiiseynaya saxiixa Wigan oo 19 jir ah kana tiran dhalinta reer Scotland ee Kyle Joseph. (Mirror)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*