Home Wararka Ciyaaraha Maanta Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Memphis Depay...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Memphis Depay oo Barcelona kusii jeeda iyo Qodobo kale

0
Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Milan ayaa ku dhow inay heshiis amaah ah kula soo wareegto ciyaaryahanka kooxda Chelsea Tomori (Goal)

Juventus iyo Tottenham ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa Angel Di Maria, sida laga soo xigtay  (Don Balon) . 

Tottenham Hotspur iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Dele Alli, 24, ayaa “riixaya” inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Faransiiska Paris St-Germain laakiin wadahadalada ayaa culeys ku ah. (Fabrizio Romano,)

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa heysan doona 200 milyan oo ginni oo uu ku qarashgareeyo xagaaga, iyadoo weeraryahanka Inter Milan ee Belgium ahaana weeraryahankii hore ee Manchester United Romelu Lukaku, oo 27 jir ah, uu ku jiro liiska saxiixyada. (Telegraph)

Ku simaha madaxweynaha Barcelona Carles Tusquets ayaa soo jeediyay in lala soo saxiixdo daafaca Manchester City iyo Spain Eric Garcia, oo 20 jir ah, 8m euro (7.1m) seddexda musharax ee u tartamaya madaxtinimada Barcelona, ​​laakiin wax talaabo ah oo la qaaday ma jirto maadaama aysan dhamaantood heshiis wada aheyn. (Marca) 

Everton ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Bournemouth Joshua King, oo 29 jir ah, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway la sheegayo inuu raadinayo heshiis uu isbuucii ku qaadanayo ,120,000. (Thesun)

Weeraryahanka reer Holland Memphis Depay, oo 26 jir ah, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiis Lyon Houssem Aouar, oo 22 jir ah, ay doonayaan inay u dhaqaaqaan “mid ka mid ah seddexda koox ee adduunka ugu fiican”. Depay ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Aouar la sheegay inuu bartilmaameed u ahaa Arsenal. (Canal +)

Tababaraha Marseille Andre Villas-Boas ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Morgan Sanson inuu diirada u saaran yahay kooxaha Ingariiska, iyadoo Arsenal, Aston Villa, Tottenham iyo West Ham lala xiriirinayo 26 jirkaan. (Dailymail)

Agaasimaha kooxda Inter Milan Beppe Marotta ayaa sheegay in kooxda Serie A ka dhisan ay dhaqaale ahaan xasiloon yihiin laakiin aysan sameyn doonin wax maalgashi ah inta lagu jiro bishaan Janaayo. (Sky Sport)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here