Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Messi, Kean, Grealish, Ozil, Wijnaldum, Son, Snodgrass

Photo/Ciyaaro.com

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Agusti Benedito ayaa sheegay inuusan u maleyneynin in Lionel Messi, oo 33 jir ah, uu kordhin doono qandaraaskiisa haatan, kaasoo dhacaya June 2021. (Goal)

Manchester City ayaa rumeysan inay safka hore kaga jiraan saxiixa Messi haddii weeraryahanka reer Argentina uu ka tago Barcelona xagaagan. (Telegraph)

Laakiin Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay iibsato qeyb ka mid ah Major League Soccer franchise si ay uga caawiso inay ku qanciso Messi inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Mareykanka dhamaadka xirfadiisa. (AS)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Jarmal ee Arsenal Mesut Ozil oo 32 jir ah ayaa ogolaaday heshiis seddex sano iyo bar ah oo uu kula joogayo kooxda reer Turkey ee Fenerbahce (DHA – Turki)

Mustaqbalka Ozil waa la xalin doonaa dhawaan, ayuu yiri wakiilkiisa, laakiin muhiimada uu leeyahay ku guuleysiga Koobka Adduunka ayaa ah inuu sii joogo Arsenal ilaa qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga. (ESPN)

Xiddiga Manchester United Marcos Rojo, oo 30 jir ah, ayaa ogolaaday heshiis labo sano ah oo uu kula sii joogayo Boca Juniors suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, laakiin Boca ayaa dooneysa inay si bilaash ah kula soo saxiixato sidaa darteed xiddiga reer Argentina waa inuu ka dhaadhiciyaa Man United inay u ogolaato inuu si bilaash ah ku baxo. (ESPN)

Wadahadalada qandaraaska cusub ee u dhexeeya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool iyo Netherlands Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah, ayaa gaaray is afgarad. (Sky Sports)

Tottenham ayaa kalsooni ku qabta in weeraryahanka reer Kuuriyada Koonfureed Son Heung-min, oo 28 jir ah, uu saxiixi doono qandaraas kordhin ah oo uu kusii hayn doono kooxda 2023, markaasoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo. (Telegraph)

Daafaca kooxda Chelsea Fikayo Tomori rajadiisa amaahda ee bisha Janaayo ayaa umuuqata inay quustay madama Andreas Christensen uu soo gaaray dhaawac jilibka , iyadoo 23 jirkaan reer England looga baahan yahay inuu joogo Stamford Bridge.(thsun)

Weeraryahanka Manchester United iyo England Marcus Rashford, oo 23 jir ah, waa ciyaaryahanka ugu qiimaha badan kubada cagta adduunka, sida laga soo xigtay koox cilmi baaris madaxbanaan, oo lagu qiyaasay qiimaha wareejinta 165m euros (£ 150m). (CIES )

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa si maldahan u sheegay inuusan wali sii hayn doonin xilka xilli ciyaareedka soo socda ka dib guuldaradii naxdinta laheyd ee ka soo gaartay Copa del Rey kooxda heerka seddexaad ee Cornella. (goal)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*