Home Wararka Ciyaaraha Maanta Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Nicolo Barella...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Nicolo Barella oo laga Xiiseenayo Liverpool iyo Qodobo kale

0
Photo/Ciyaaro.com

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xagaaga u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Southampton iyo xulka England Danny Ings, 28. (Eurosport)

Ings ayaa doonaya inuu ku laabto koox ka dhisan Champions League wuxuuna qandaraas cusub uu ka heestaa kooxda Saints. (Telegraph)

Weeraryahanka kooxda Inter Milan iyo xulka qaranka Belguim ee Romelu Lukaku oo 27 jir ah ayaan wax xiiso ah u qabin ku biirista kooxda Man City (Express)

Liverpool iyo Tottenham ayaa raadinaya heshiis macquul ah oo ay kula wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Nicolo Barella, oo 23 jir ah (Calciomercato )

Liverpool iyo Barcelona ayaan wali ka rajo dhigin saxiixa Bayern Munich iyo daafaca Austria David Alaba, oo 28 jir ah, inkasta oo Real Madrid ay ku dhowdahay heshiiska. (Sport1)

AC Milan ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso daafaca Chelsea iyo England Fikayo Tomori, oo 23 jir ah, heshiis amaah ah iyadoo la raacayo heshiis joogto ah oo gaaraya 30m euro (£ 26.6m). (Calciomercato )

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay 11 milyan ginni ku dalbato daafaca Lens iyo xulka Argentina Facundo Medina, oo 21 jir ah (La Voix du Nord )

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo England Dele Alli, oo 24 jir ah, ayaa kalsooni ku qaba inuu heshiis amaah ah kula biiri doono Paris St-Germain bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (Thesun)

Wadahadaladii u dhaxeeyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka England ee U21-da Jamal Musiala, oo 17 jir ah, iyo Bayern Munich oo ku saabsan heshiis cusub ayaa joogsaday, iyadoo Liverpool, Manchester United iyo Manchester City ay isha ku hayaan xaalada. (Goal)

Arsenal ayaa loo sheegay in 24 jirka qadka dhexe ee reer Argentina Emiliano Buendia uusan ka tagi doonin Norwich City inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga. (Independent)

Manchester City ayaa heysata 27.5 milyan ginni oo ay dib ugu soo iibsan karto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa iyo xulka Brazil Douglas Luiz kaasoo dhacaya xagaagan, laakiin Pep Guardiola ma filayo inuu raadinayo 22 jirkaan. (Birmingham)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid iyo xulka Norway Martin Odegaard, 22, ayaa codsaday inuu ka tago kooxda. (Marca)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here