Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Nuno Tavares, Olivier Giroud, Ali Akman, Fikayo Tomori

Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Napoli ayaa baadi goob ugu jirta daafac bidix oo cusub waxayna miisaameysaa dalabka ay ku dooneyso Benfica Nuno Tavares ( Gianluca DiMarzio) .

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax yar ka bixiyay mustaqbalka Mesut Ozil iyadoo ay jirto hadal heyn ka timid Fenerbahce oo aheyd in kubadsameeyaha uu yahay Turkiga (Goal) .

Arsenal ayaa dib u dhigeysa go’aankeeda ku aadan inay qandaraas cusub u soo bandhigto David Luiz. ( Express ).

Tottenham ayaanan u muuqan inay kordhin doonto amaahda Gareth Bale xilli ciyaareedkii labaad, sida ay qortay  (Times ). 

Wolves ayaa lagu soo waramayaa inay soo afjartay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Liverpool Divock Origi iyo weeraryahanka khibrada leh ee Chelsea Olivier Giroud.  (Themirror)

Kooxaha waa weyn ee Premier League ee Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kooxaha doonaya inay helaan adeega da ‘yarka weerarka uga ciyaara Bursaspor Ali Akman. (Dialymail)

Daafaca dhexe ee Chelsea Fikayo Tomori ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo muuqday bartilmaameed lama filaan ah oo uu ugu biirayo kooxda ka dhisan Serie A ee AC Milan. (Fabrizio Romano)

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadal la yeeshay kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Nice si amaah uu ugu biiro kooxda reer France. (Skysports)

Fabinho ayaa sheegay in Mohamed Salah uu “aad ugu faraxsan yahay” Liverpool iyadoo ay soo baxayaan warar dhawaanahan lala xiriirinayay inuu ka tagayo Anfield. (ESPN)

Daafaca boosaska badan ee kooxda Manchester United Timothy Fosu-Mensah ayaa dhameystiray heshiis uu ugu wareegayo kooxda weyn ee ka ciyaarta Bundesliga ee Bayer Leverkusen oo ay kula soo wareegtay 1.75 milyan oo ginni. (Menews)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay xiddiga Lazio Raul Moro bartilmaameed lama filaan ah bisha Janaayo. (Thesun)

Manchester United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in laga soo xigtay £ 100m hadii ay doonayaan inay helaan adeega daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly. (Sporskeeda)

Weeraryahanka Chelsea Callum Hudson-Odoi ayaa lagu soo waramayaa inuu weli bartilmaameed lama filaan ah u yahay kooxda heysata horyaalka Bundesliga, Bayern Munich. (Dailymail)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*