Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Ramos, De Bruyne, Alli, Lampard, Eriksen, Elneny

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Saaka waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo inta u dhaxeysa 10:00 am ilaa 12:00 pm oo ah labo saacadood gudahood

Manchester Cityayaa si dhow ula socota xaalada daafaca Sergio Ramos ee kooxda Real Madridiyadoo isha ku heysa inay 34 jirkaan kabtanka u ah xulka Spain marka uu xor noqdo. (ESPN)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Kevin de Bruyne, oo 29 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu iska diido qandaraaska ugu horreeya ee Manchester City,waxaana uu ka walaacsan yahay gaabsiga wadahadallada ay kula jirto kooxda oo ku saabsan heshiis cusub oo shan sano ah. (theTimes)

Tottenhamayaan dooneynin inay iibiso ama amaah ku bixiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Dele Alli, 24, bishaan, laakiin goolhayaha reer Argentina Paulo Gazzaniga, 29 jir ah, iyo daafaca Ingariiska Danny Rose, 30 jir ah, ayaa loo ogolaan doonaa inay baxaan. (Sky Sports)

Chelseaayaa diyaar u ah inay waqti dheeraad ah siiso Frank Lampard tababare ahaan, laakiin xaalada ayaa ku socota dib u eegis joogto ah, iyadoo Thomas Tuchel, Max Allegri, Brendan Rodgers iyo Ralph Hasenhuttl ay tixgeliyeen xulashooyinka koowaad haddii la ceyriyo. (indepedent)

Weeraryahankii hore ee ChelseaAndriy Shevchenko, oo haatan hogaamiya xulka qaranka Ukraine, ayaa sidoo kale loo arkaa bedelkiisa. (Le10 Sport)

Arsenalayaan qorsheyneynin inay iska iibiso Mohamed Elneny, 28, bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga iyadoo lagu soo waramayo inay xiiseynayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Masar oo ka socda Besiktas.(FootballLondon)

Arsenalayaa u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Mesut Ozil oo 32 jir ah in uu u wareegto Juventus isbuucyadii u danbeyay laakiin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga Juventus ayaa muhiimad siineysa xiddiga reer Sweden Dejan Kulusevski, oo 20 jir ah kaasi oo kooxda ka tirsan.(CBS)

Arsenalayaa isha ku heysa xaalada xiddiga reer Argentine Emi Buendia laakiin weli dalab rasmi ah kama aysan soo gudbin 24 jirka qadka dhexe ee Norwich(Football.London)

Arsenalayaa baareysa heshiis ciyaaryahanka iyo lacag kaash ah oo ay kula soo wareegeyso Buendia, si ay isugu dayaan inay Norwichuga dhaadhiciyaan inay iska iibiyaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo, iyadoo 21 jirka khadka dhexe ee Ingariiska Joe Willock iyo Reiss Nelson ay ka mid yihiin ciyaartoyda ay diyaar u yihiin inay siiyaan Canaries . (indepedent)

Laakiin dalabyada qaaliga ah ee Buendia, daafaca dambeedka buuxa ee reer England Max Aarons, 21, iyo khadka dhexe ee reer England Todd Cantwell, 22, waa la iska indhatiri doonaa bisha soo socota iyadoo Norwichay dooneyso inay ku laabato Premier League. (Sky Sports)

Agaasimaha isboortiga Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa sheegay inuusan meesha ka saareynin suurtogalnimada 24 jirka qadka dhexe ee Jarmalka Julian Brandt inuu uga tago kooxda kuna biiro Arsenal inta lagu jiro bisha Janaayo.(Mirror)

Daafaca Manchester Unitediyo Marcos Rojo, oo 30 jir ah, ayaa wadahadalo yeeshay oo ku saabsan sidii uu ugu dhaqaaqi lahaakooxda Boca Juniorsee dalkiisa hooyo, in kasta oo heshiiska weli la dhameystirayo. (dailmaily)

Qaab ciyaareedka daafaca reer Ivory Coast Eric Bailly, oo 26 jir ah, ayaa ka dhaadhicin kara Manchester Unitedinaysan raadin daafac dhexe kale bishaan. (Manchester Evening News)

Saddexda bartilmaameed eeugu sarreeya ee Barcelona ayaa ahciyaaryahanka khadka dhexe ee LiverpoolGeorginio Wijnaldum, 30 jir, daafaca dhexe ee Manchester City iyo Spain Eric Garcia, oo 19 jir ah, iyo weeraryahanka Lyon iyo Netherlands Memphis Depay, 26. Laakiin waxay wajahayaan shaqo adag oo ah inay gacanta ku dhigaan inta lagu jiro bishaan Janaayo. waxayna u badan tahay inay bartilmaameedsadaan lasoo wareegitaan bilaashka ah xagaaga, markaasoo seddexdooduba qandaraaskoodu dhacayo (Sky Sports)

Bayern Munichayaa wadahadalo kula jirta saxiixa daafaca dambeedka midig eexulka England U21 ee Omar Richards, 22 jir ah, dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Telegraph)

mushaharka Bayern Munich ee Xidiga Austria ee David Alaba ayaa cadeynaya mid caqabad ku ah heshiiska uu 28 jirkaan ugu wareegayo Real Madrid. (Goal)

Real Madrid ayaa wali la filayaa inay la soo saxiixato Alaba, iyadoo saxiixa xidigan ku garaaceysa kooxaha Manchester United iyo Barcelona . (Thestar)

Barcelona ayaa isaga hartay loolankii loogu jiray Alaba sababo la xiriira xasillooni darro dhaqaale. (dailmail)

Weeraryahanka Liverpool ee reer Canada Liam Millar, 21 jir ah , ayaa qarka u saaran inuu amaah ugu biiro Charlton . (goal)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer England Rolando Aarons ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Newcastle ka taga bisha Janaayo iyadoo Huddersfield ay ku dhowdahay inay la soo wareegto 25 jirkaan. (chroniclelive)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*