Home Suuqa kala iibsiga Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Sharuud lagu...

Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Sharuud lagu xiray Heshiiska Sergio Aguero iyo Qodobo kale

0
Photo/Ciyaaro.com

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Saaka oo subax walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki inta u dhaxeysa 19:00 pm ilaa 20:00 pm. Waqtiga Somaliya.

Sida laga soo xigtay The Mirror , madaxda City ayaa u cadeeyay Aguero inuu u baahan yahay inuu cadeeyo taam ahaanshihiisa isbuucyada soo socda si uu heshiis cusub ugu helo Etihad Stadium. (Mirror)

Lionel Messi wuu ku faraxsan yahay Barcelona wuxuuna doonayaa inuu qandaraas cusub u saxiixo Camp Nou sida uu sheegayo musharaxa madaxweyne Joan Laporta .(Sports)

The Telegraph  ayaa warinaysa in tababaraha Man City la siin doono lacag dhan 200 milyan oo euro si uu ugu qarash gareeyo ciyaartoy cusub suuqa kala iibsiga ee soo socda. (Telegraph)

Chelsea ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Bursaspor Ali Akman, sida ay sheegayaan wararka. Ali qaab ayaa ciyaar wanaagsan ku soo qaatay kooxda Turkiga, isagoo dhaliyay sagaal gool 16 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkaan. (Chelseanews)

Man United ayaa qarka u saaran inay kula tartanto Chelsea saxiixa Declan Rice kaasi oo soo bandhigay kubado wanaagsan. (Football.London)

Julian Draxler ayaan ku biiri doonin kooxda reer London ee Arsenal suuqa janaayo. Taasi waa sida laga soo xigtay wargeys ka soo baxa Jarmalka, kaasoo daaha ka qaaday in 27 jirkaan weerarka ka ciyaara uu go’aansaday inuu dhameystiro heshiiskiisa PSG isla markaana uu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka. (Bild)

Manchester United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in wali aysan ka hadlin bixinta £ 100m hadii ay doonayaan inay helaan adeega daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly Lakin Liverpool ayaa hada ku biirtay. (Talksport)

Halyeeyga Man United Paul Scholes ayaa ku booriyay kooxdiisii ​​hore inay wax walba u galaan saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Leicester City Wesley Fofana. (Caughtoofside)

Shkodran Mustafi ayaa si bilaash ah uga tagi doona kooxda reer London dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii loo diiday inuu ka tago kooxda bishaan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa hoos uga dhacay dalabkii ugu fiicnaa ee Arsenal, waxaana qandaraaskiisa Arsenal haatan uga harsan tahay kaliya lix bilood. (Sportskeeda)

Kooxda ka dhisan Merseyside ee macalinka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dhexe ee RB Leipzig Ibrahima Konate ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga jiilaalka. (OneFootball)

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay heshiis ay ku dooneyso daafaca dhexe ee kooxda reer London Fikayo Tomori. (Metro)

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here