Wararka Xanta Suuqa: Paul Pogba oo ka tagaya Man United, Xiisaha Man City ee Messi, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa isha ku heysa inay keento labada weeraryahan ee reer Argentine ee kooxda Barcelona Lionel Messi, 33 jir, iyo 20 jirka Borussia Dortmund ee reer Norway Erling Braut Haaland xagaaga. (Thesun)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester United horaantii xagaagan, iyadoo Juventus ay dooneyso inay dib u la soo saxiixato 28 jirkaan isla markaana diyaar u ah inay ka iibiso weeraryahanka reer Argentina Paulo Dybala, oo 27 jir ah. (Tuttosport)

Tottenham ayaa kalsooni ku qabta inay heysato weeraryahanka reer England Harry Kane, 27, mana ka fiirsan doonto inay ka iibiso koox kale oo Premier League ah, iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha kooxaha Manchester City iyo Manchester United (Manchester Evening News)

Bayern Munich ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Tottenham Son Heung-min, oo 28 jir ah, waxaana ay diyaar u yihiin inay u dulqaataan raacdada ay ugu jiraan xidiga reer South Korea, kaasoo qandaraas kula jira Spurs ilaa xagaaga 2023 isla markaana qandaraas cusub oo waqti dheer ah loo soo bandhigay.. (Footballinsider247)

Chelsea, Manchester United, Juventus iyo Real Madrid ayaa wali ugaarsi ugu jira saxiixa goolhayaha reer Talyaani Gianluigi Donnarumma, oo 22 jir ah, kaasoo diiday labo dalab oo qandaraas cusub ah oo uu kula joogayo AC Milan. (Dailmail)

Barcelona ayaa loo arkaa inay ugu cadcad tahay saxiixa 30 jirka daafaca ah Georginio Wijnaldum markii qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo xagaaga, laakiin kooxda reer Catalan ayaa tartan kala kulmeysa Chelsea, Juventus iyo Paris St-Germain. Kooxda ka dhisan Merseyside qudheeda ma aysan ka rajo dhigin sii haysashada laacibka reer Holland. (Marca)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Andros Townsend, oo 29 jir ah, ayaa sheegay in kooxda ay u sheegtay isaga iyo ciyaartoydeeda kale ee qandaraaskoodu dhacayo in mustaqbalkooda aan laga wada hadli doonin ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Talksport)

Weeraryahanka reer Belgium Michy Batshuayi, oo 27 jir ah oo amaah ugu jooga Crystal Palace kooxda Chelsea, ayaa sheegay inuusan dareemin kalsooni uu ku qabo Selhurst Park. (Gaol)

Weeraryahanka reer Spain ee Leeds United Rodrigo, oo 30 jir ah, ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya inuusan ku faraxsaneyn Elland Road isla markaana uu doonayo inuu dib ugu laabto La Liga ka dib kaliya hal xilli ciyaareed. (Leeds Live)

Weeraryahan Sergio Aguero, oo 32 jir ah, ayaa noqon kara saxeexa saxda ah ee ‘ Juventus’ wuxuuna ku dayan karaa guulaha saaxiibkiis hore ee Manchester City iyo xulka Argentina Carlos Tevez ee magaalada Turin, ayuu yidhi halyeeyga Juve Franco Causio. (Goal)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal iyo Uruguay Lucas Torreira, oo 25 jir ah, oo haatan amaah kula jooga Atletico Madrid, ayaa diirada u saaran Boca Juniors.(ESPN)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Lucas Vazquez ma cusbooneysiin doono qandaraaskiisa kooxda marka uu dhaco xagaagan, iyadoo 29 jirkaan reer Spain uu diirada u saaran yahay kooxaha Chelsea Manchester United iyo Bayern Munich (ABC)

Real Madrid ayaa dalab ka diiday Tottenham ka dib markii kooxda reer London ay dalab u dirtay 19 jirka daafaca reer Spain Miguel Gutierrez. (Dailstar)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto 23 jirka qadka dhexe ee reer Holland Donny van de Beek kooxda Juventus iyadoo qeyb ka ah heshiiska isdhaafsiga ee ciyaaryahanka reer France Adrien Rabiot, 25 jir ah (Express)

Sevilla ayaa qorsheyneysa inay 100 milyan oo euros (£ 85m) dul dhigto weeraryahanka reer Spain Bryan Gil, oo haatan amaah ugu ciyaara Eibar, si ay uga hor istaagaan xiisaha Real Madrid Barcelona iyo Arsenal (AS)

Daafaca Talyaaniga Giorgio Chiellini ayaa isha ku haya inuu sii joogo Juventus wixii ka dambeeya dhamaadka qandaraaskiisa xagaaga, sida uu sheegay wakiilka 36 jirka Davide Lippi, laakiin kooxda ka dhisan Turin ayaan weli u soo bandhigin heshiis cusub. (Sky Italia)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*