Home Warka Xiisaha Leh Wararkii ugu dambeeyay ee Maxamed Saalax iyo u dhaqaaqistiisa Sacuudiga

Wararkii ugu dambeeyay ee Maxamed Saalax iyo u dhaqaaqistiisa Sacuudiga

0

Saacdihii ugu dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay go’aanka kama dambeysta ah xidigga Liverpool Maxamed Salax iyadoo loo badinayay in uu u dhaqaaqi doono halkaa iyo Sacuudiga.

Haddaba maxay warbaahinta ciyaaraha ee caalamk ka qoreen wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Salax?

Al-Ittihad ayaa diyaar u ah inay 200 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Liverpool ee Masar Mohamed Salah, oo 31 jir ah, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Pro League ee Sacuudiga 7da Sebtember. (Mail ayaa sidaasi qortay)

Liverpool ayaa horeba u haysatay badalka Salah oo lasoo shirtagtay waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo garabka PSV Eindhoven ee Belgian Johan Bakayoko, 20, Janaayo, haddii weeraryahanka Masar go’aansado inuu baxo. (Express ayaa qortay)

Iyadoo suuqa kala iibsiga Sacuudiga uusan xirmin illaa 7-da Sebtember, waxaa isla markiiba la hadal hayay in Al-Itixaad ay u badan tahay inay ku soo laabtaan dalabka.

Dhanka kale Klopp mar kale oo ka hadlaya Mo Salah iyo Al Ittihad ayaa yiri “Marka laga eego aragtidayda, gabi ahaanba ma arko wax aan ka walwalo, Mohamed waa mid aad u go’an adag”. “Runtii si buuxda ayuu halkaan tababar ugu qaadanayaa, Wax walba waa ay wanaagsan yihiin,”. ayuu yiri macalinka kooxda Liverpool.

Previous articleLeo Messi oo sabab u noqday in Axadda uu Horyaalka Maraykanka ka dhaco rikoodh ugub ah
Next articleJude Bellingham yaa ahaa saxeex cajiib ah” Fabrizio Romano oo qiimayn ku sameeyey shantii saxiix ee ugu fiicnaa ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Sanadkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here