Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga: Jadon Sancho, Julian Draxler, Yves Bissouma, Kamaldeen Sulemana, iyo Armando Broja

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeyta Danbe Suuqa kala iibsiga 10 May

 

Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho, sida laga soo xigtay The Telegraph .

Julian Draxler ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxda Paris Saint-Germain, sida ay qortay L’Equipe ,

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso dalab 80 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso Jadon Sancho iyagoo doonaya inay la soo wareegaan weeraryahanka Borussia Dortmund inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Dailymail.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Yves Bissouma ayaa lagu soo waramayaa inuu codsaday kooxda Seagulls inay u ogolaato inuu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. The Times.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku qasban tahay inay ka weecato xiisaha Ajax haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga reer Ghana ee Kamaldeen Sulemana xagaagan. Daily Mail

Qeybta Hore ee Suuqa kala iibsiga 10 May

 

Chelsea ayaa diyaar u ah wada hadal qandaraas kordhin ah la furto Armando Broja – sida laga soo xigtay The Sun .

Julian Draxler ayaa ogolaaday inuu u saxiixo hal sano oo dheeraad ah kooxda PSG, sida ay qortay Le Parisien .

“Waa wax fiican marka kooxaha waaweyni ay xiiseynayaan adiga, laakiin hadda maahan waqtigii aan diirada saari lahaa taas,” ayuu u sheegay  TF1 .

Yves Bissouma ayaa ka codsaday Brighton inay u ogolaato inuu baxo xagaagan, sida ay qortay The Sunday Times .

Everton ayaa fursad fiican u heysata saxiixa Merih Demiral xagaagan, sida laga soo xigtay  Calciomercato .

Inter ma qorsheyneyso inay qaadato dooq ay ku kordhin karto qandaraaska Arturo Vidal – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches ayaa lala xiriirinayaa inuu xagaaga u wareegayo Roma – sida laga soo xigtay Corriere Dello Sport .

Tottenham ayaa u aqoonsatay weeraryahanka Besiktas Cyle Larin inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay 90min .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Udinese Antonin Barak ayaa xiiso ka helaya kooxda Inter – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*