Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 13-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Neymar ayaa wax xiiso ah u heynin inuu ka tago Paris Saint-Germain xagaagan, sida ay xaqiijisay  GOAL

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay soo gasho tartanka loogu jiro saxiixa Jules Kounde oo ka tirsan Sevilla, Sport .

Barcelona ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Roman Vega, sida laga soo xigtay TyC Sports .

Kalidou Koulibaly ayaa ku biiray Chelsea, Heshiis buuxa oo ku kacaya €40m oo khidmad ah ayaa la dhammaystiray, dalabka waa la aqbalay. Napoli ayaa hubinaysa dukumentiyada markaas ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqidoonaa sida uu sheegay Romano

Mesut Ozil ayaa ku biiray kooxda Istanbul Basaksehir ka dib markii la joojiyay qandaraaskii uu kula joogay Fenerbahce, sida la xaqiijiyay FB .

Chelsea ayaa qarka u saaran inay gool haye Gabriel Slonina kala soo wareegto Chicago Fire oo ay kula soo wareegto 8 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo kale.

Tababaraha kooxda Napoli Luciano Spalletti ayaa qirtay in Kalidou Koulibaly uu ka tagi karo kooxda xagaagan xilli ay jiraan warar sheegaya in Chelsea ay ku dhowdahay saxiixiisa.

Reece James ayaa ku adkeysanaya in mustaqbalkiisa uu baaqi kusii ahaan doono Chelsea inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay xiiseynayaan Real Madrid.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*