Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 18-da January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham iyociyaaryahanka khadka dhexe ee Wolverhampton Wanderers Matheus Nunes xagaagan Sida laga soo xigtay Daily Mail

Manchester United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta saxiixa daafaca midig ee kooxda Fulham Kevin Mbabu si ay ugu xoojiso daafaceeda, sida laga soo xigtay TuttoMercatoWeb.

Arsenal ayaa si gaar ah isha ugu haysa Ivan Fresneda waxayna dalban kartaa xiddiga Real Valladolid, sida uu qabo Fabrizio Romano.

West Ham United ayaa lagu soo waramayaa in laga soo diiday dalab amaah ah oo ay ku doonaysay daafaca Manchester United Harry Maguire . sida laga soo xigtay Daily Mail

Barcelona ayaa heshiis ku kacaya 4 milyan oo euro Aqbashay si ay weeraryahan Memphis Depay ugu dirto Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu kala hadlo u dhaqaaqista Newcastle United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. sida laga soo xigtay The Telegraph

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay si dhow ula socoto qaab ciyaareedka weeraryahanka Napoli Khvicha Kvaratskhelia .Sida laga soo xigtay Daily Mail

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso suurtagalnimada ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan si bilaash ah dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23.Sida laga soo xigtay The Telegraph

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay ka saxiixato Alejandro Garnacho qandaraas cusub oo waqti dheer ah.sida laga soo xigtay The Telegraph

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*