Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 18-da January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

West Ham ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo sidii ay u soo xerogelin lahayd daafaca dhexe ee England Harry Maguire, oo 29 jir ah, kaasoo amaah kaga yimid Manchester United. (Mirror)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Alejandro Garnacho ayaan weli heshiis cusub u saxiixin garoonka Old Trafford, iyadoo wakiilada Argentine ay doonayaan in ka badan 20,000 oo ginni isbuucii oo la soo bandhigay. Real Madrid iyo Juventus ayaa isha ku haya xaalada 18-sano jirkaan, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo ilaa 2024, waxaana uu heystaa ikhtiyaar ah in sanad lagu kordhiyo. (Independent) 

Liverpool ayaa bartilmaameedkooda ugu weyn xagaagan ka dhigtay xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund iyo xulka England Jude Bellingham, oo 19 jir ah, iyo xiddiga Wolves ee Portugal Matheus Nunes, oo 24 jir ah. (Mail)

Arsenal ayaa xiriir bilow ah la sameysay Bayer Leverkusen oo ku saabsan garabka France Moussa Diaby laakiin kooxda Jarmalka ma rabto inay iibiso 23 jirkaan Janaayo. (Sky Sports)

Barcelona ayaa xiiso weyn u qabta inay beeca xorta ah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Germany Ilkay Gundogan xagaaga marka uu 32 jirkan heshiiskiisa Manchester City dhamaado.(Telegraph – subscription required)

Chelsea ayaa isha ku haysa mustaqbalka weeraryahanka Brighton Leandro Trossard, kaasoo lala xiriirinayo Arsenal iyo Tottenham, iyadoo Seagulls aysan u badneyn inay aqbasho wax ka yar 25 milyan ginni 28 jirka reer Belgium. (Mirror)

Everton ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo 26 sanno jirka weerarka uga ciyaara Faransiiska Moussa Dembele, kaasoo qandaraaskiisa Lyon uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Footmercato – in French)

Lyon ayaa isku dayaysa inay afduubto isku dayga Wolves ee ay kula soo saxiixanayso 21 jirka khadka dhexe ee Brazil Joao Gomes oo ka tirsan Flamengo . (Athletic – subscription required)

Leicester City ayaa dalab 30 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka Argentina Nicolas Gonzalez, oo 24 jir ah, waxaana soo diiday kooxda reer Talyaani ee Fiorentina. (90 Min)

Southampton ayaa ku sii dhawaanaysa in ay heshiis joogto ah la gaadho 21 jirka reer Senegal ee Nicolas Jackson kaas oo Villarreal ay ku qiimayso 20 milyan euros (£17.7m). (Athletic – subscription required)

Crystal Palace ayaa xiiseyneysa inay dib ugu soo celiso kooxda Chelsea ciyaaryahanka khadka dhexe ee Conor Gallagher, iyadoo 22 sanno jirkaan heerka caalami ee dalka England uu qaab amaah ah kula qaatay Eagles xilli ciyaareedkii hore. (Sky Sports)

Nottingham Forest , Southampton , Everton iyo Newcastle ayaa sidoo kale wax ka waydiiyay Gallagher, inkastoo ciyaaryahanka khadka dhexe uusan wax xiiso ah u qabin inuu ka tago Chelsea inta uu sii socdo in loo doorto kooxda koowaad. (Mail)

Bournemouth, Nottingham Forest iyo Al-Nassr ayaa xiiseynaya goolhayaha kooxda Paris-St Germain ee Costa Rica Keylor Navas, oo 36 jir ah.(Athletic – subscription required)

Forest ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Newcastle ee New Zealand Chris Wood, 31. (Football Insider ).

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Napoli Cristiano Giuntoli ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay kooxdu la soo saxiixan karto 22 jirka Angers iyo khadka dhexe ee Morocco Azzedine Ounahi kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Aston Villa iyo Leeds United(Sport Mediaset, via Football Italia)

Daafaca garabka ee Belgium Yannick Carrasco wakiilkiisa ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo ku aadan 29 jirkaan Barcelona uga soo biiray Atletico Madrid, iyadoo weeraryahanka reer Holland Memphis Depay, oo 28 jir ah uu u socdo jihada ka soo horjeeda. (Nieuwsblad – in Dutch)

Bayern Munich ayaa dalab dhan 8m euros (£7m) iyo 1m euros (£885,000) ka heshay goolhayaha Switzerland Yann Sommer, oo 34 jir ah, waxaana diiday Borussia Monchengladbach. (Florian Plettenberg)

Maareeyihii hore ee Leeds United Marcelo Bielsa ayaa ah musharaxa ay jecel yihiin xiriirka kubada cagta Mexico si uu u qabto xilka madaxa kooxda qarankooda. (ESPN)

Goolhayaha reer Jarmal ee Loris Karius, oo 29 jir ah, ayaa la filayaa in uu heshiiska u kordhiyo Newcastle United wixii ka dambeeya bisha January iyada oo ay wadahadalo u socdaan labada dhinac. (Mail)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*