Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 18 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa isha ku heysa inay xagaaga lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Eintracht Frankfurt Luka Hyrylainen,  GOAL  iyo  SPOX 

Sergino Dest ayaa ku wargaliyay kooxda Barcelona in uu doonayo in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe. sida laga soo wariyay Cadena SER

xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Lisandro Martinez ayaa lagu daray liiska bartilmaameedyada Man Utd iyadoo Erik Ten Hag uu doonayo inuu ku xoojiyo daafaca kooxdiisa cusub. Sida laga soo xigtay The Telegraph , 

Arsenal ayaa ku fikiraysa inay iska iibiso Gabriel Magalhaes talaabo lama filaan ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Sida laga soo xigtay Mirror , 

Dele Alli, oo qandaraas labo sano iyo bar ah u saxiixay Everton bishii Janaayo, ayaa laga yaabaa inuu baxo xagaaga, sida laga soo xigtay The  Sun.

Sergej Milinkovic-Savic ayaa loo aqoonsaday inuu yahay saxiix xagaaga ee Chelsea, kooxda ayaa dooneysa inay ka iibiso Ruben Loftus-Cheek si ay u xaqiijiso heshiiska. Sida laga soo xigtay football.london 

Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa Ousmane Dembele xagaagan, waxaana ay qorsheynayaan inay wadahadalo dib ula furaan xiddiga reer France Sida laga soo xigtay 90Min , 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*