Home Warka Xiisaha Leh Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 20-ka July

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca dhexe ee kooxda Sevilla Jules Kounde ayaa u muuqday mid xaqiijiyay ka tagistiisa Los Palanganas xilli ay jiraan warar sheegaya in heshiis laga gaaray Chelsea . Pys

Da’yarka Arsenal Marcelo Flores ayaa amaah ugu biiray kooxda heerka labaad ee Spain ee Real Oviedo xilli ciyaareedka 2022-23. 90min

Daafaca kooxda Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa lagu soo waramayaa inuu kalsooni badan ku qabo ku biirista kooxda Barcelona . Sida laga soo xigtay saxafiga The Times Tom Rodd

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay wali raadinayso saxiixa weeraryahanka Ajax Antony inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo ay kooxdu soo jeedisay in ay qaboojiso xiisahooda. sida laga soo xigtay talkSPORT

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago kooxda,  Manchester unitedmaadaama ay ku guuldareysteen inay xaqiijiyaan kubada Champions League xilli ciyaareedka 2022-23. Goal

Moussa Diaby ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyey Bayer Leverkusen waxana uu sii joogi doonaa Jarmalka ololaha 2022-23. sida ay ku warantay Teamtalk.

De Jong ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Premier League, laakiin uma furna Manchester United, sida laga soo xigtay Sport.

Nottingham Forest ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Jesse Lingard iyaga oo doonaya in ay West Ham ku dhaafaan saxiixa xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United si xor ah. Sida laga soo xigtay Guardian , 

Newcastle ayaa muujisay xiisaha ay u qabto Ivan Toney, iyadoo labada kooxood ay xiriir sameeyeen toddobaadyadii la soo dhaafay. Sida laga soo xigtay Caught Offside , 

Previous articleChelsea oo Ku Biirtay Tartanka loogu Jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong.
Next articleCristiano Ronaldo oo ka mid ah 15 ciyaartoy oo Manchester United ah oo xagaagan ka tagi kara kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here