
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Michael Edwards oo ka tirsan kooxda Liverpool ayaa iska diiday qaabkii ay Chelsea u doonaysay inuu u noqdo agaasimaha cusub ee ciyaaraha kooxda, sida laga soo xigtay Caught Offside.
Kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Nice ayaa dooneysa inay amaah kula soo wareegto goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga, sida ay ku warameyso Foot Mercato.
Gareth Bale ayaa wadahadalo la yeeshay maamulaha kooxda heerka labaad ee Cardiff City wuxuuna booqday goobtooda tababarka, sida ay ku warantay Wales Online.
Manchester United ayaa sare u qaaday raacdada ay ugu jirto Antony, iyadoo garabka Brazil uu go’aansaday inuu dib ula midoobo Erik ten Hag, GOAL.
BBC Sport ayaa ku warameysa in Raheem Sterling uusan wali qaban wadahadalo faahfaahsan oo ku saabsan mustaqbalkiisa, islamarkaana uusan go’aansanin waxa uu doonayo inuu sameeyo. BBC
Manchester United ayaa dooneysa inay dhinto qiaba 38.5 milyan ginni oo ay ku soo iibsatay Anthony Martial 2015, iyadoo kooxda ay u furan tahay dalabyo gaaraya 20 milyan ginni. Sida laga soo xigtay The Sun ,
Aston Villa iyo West Ham ayaa dalab ka gudbiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips xagaagan. Sida laga soo xigtay Football Insider ,
Tottenham ayaa ah kooxda labaad ee ugu cadcad saxiixa Clement Lenglet oo ka tirsan Barcelona. Sida laga soo xigtay Todofichajes ,
Be the first to comment