Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 25 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa qarka u saaran inay u dhaqaaqdo daafaca Juventus Matthijs de Ligt, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto daafaca Villarreal Pau Torres, sida laga soo xigtay Cadena Ser.

Manchester City ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips – sida laga soo xigtay BBC Sport .

Eddie Nketiah ayaa qarka u saaran inuu isbedel ku sameeyo oo uu u saxiixo qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo uu ku sii joogayo Arsenal, sida ay ku warameyso Athletic.

Kooxda PSG ayaa dalab soo daahay ah ka gudbinaysa Aurelien Tchouameni kaas oo ay kula dagaalameyso kooxda Real Madrid sida ay fahansan tahay GOAL.

Paris Saint-Germain kama soo horjeedo inay iibiso Neymar xagaagan hadii dalabka saxda ah ee suuqa kala iibsiga uu yimaado GOAL

Wadahadallada West Ham iyo Tomas Soucek ee ku saabsan qandaraaska cusub ayaa gaaray meel xun waxana laga cabsi qabaa inuu fashilmo sidaas waxaa qortay Guardian .

Aston Villa ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto daafaca Rangers Calvin Bassey, sida ay warineyso Times.

Kabtankii hore ee Manchester City Vincent Kompany ayaa wadahadalo kula jira kooxda Burnley oo ku aadan booska tababaraha ee banaan, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Newcastle ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka midig ee Atletico Madrid Renan Lodi, sida laga soo xigtay The i.

Ryan Frederick ayaa qarka u saaran inuu ka tago West Ham isagoo ah wakiil xor ah – sida laga soo xigtay Football Insider .

Atletico Madrid ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd garabka Real Madrid ee Gareth Bale – sida laga soo xigtay Marca .

Arsenal ayaa iska iibin doonta daafaca dhexe ee mustaqbalka leh ee Daniel Ballard xagaagan, hadii dalab ku haboon uu yimaado daafaca. Goal

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*