
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Darwin Nunez ayaa qarka u saaran inuu noqdo saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda Liverpool ka dib markii ay heshiis la gaareen Benfica kaasoo ku kacaya ilaa 85 milyan ginni (€100m/$105m), ka dib markii ay markii hore bixiyeen £64m ($79m). Goal!
Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic. Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport ,
Manchester United iyo Chelsea ayaa suuqa ugu jira xoojinta daafaca bidix xagaagan, Fichajes ayaa ku warameysa in daafaca Real Madrid Ferland Mendy uu u soo baxay bartilmaameed labada dhinac ah. Fichajes
Tottenham ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto weeraryahanka Everton Richarlison, GOAL
kooxda Chelsea ayaa kusii dhawaaneysa xidiga reer Barcelona Ousmane Dembele waxana loo badinayaa inay la wareegto Xagaaga Football.london
Amad Diallo ayaa amaah ku qaatay kooxda reer Scotland ee Rangers xilli ciyaareedkii hore waxana lagu waramayaa in mar kale uu amaah ku qaadanayo, Fredrik Filtvedt
Fenerbahce ayaa wadahadalo kula jirta William Carvalho, sida uu sheegay saxafiga Yagiz Sabuncuoglu .
Tababaraha Senegal Aliou Cisse ayaa aaminsan in Bayern Munich ay tahay kooxda ku haboon Sadio Mane. Goal
The Athletic ayaa ku warameysa in Paris Saint-Germain iyo Mauricio Pochettino ay gaareen heshiis ay ku kala tagayaan.
Be the first to comment