Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Axad Ah 15 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Paulo Dybala ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo Juventus dhamaadka xiliciyaareed kaan, iyadoo weeraryahanka Argentina uu ku dhawaaqay inuu gurigiisa ku macsalaameyn doono Turin marka ay wajahayaan Lazio isniinta Goal

Juventus ayaa isku diyaarinaysa inay dalab qandaraas ah ka gudbiso garabka Inter Ivan Perisic – sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Aabaha dhalay Lionel Messi ayaa sheegay inuu rajeynayo in xiddiga Paris Saint-Germain uu ku laabto Barcelona. Goal

Sevilla ayaa isha ku heysa Diego Martinez inuu noqdo macalinkooda xiga. Kooxda reer Spain ayaa diyaar u ah inay isbedel sameyso xagaagan, Fichajes

Ruben Neves ayaa laga yaabaa inuu ka tago Wolves kuna biiro Barcelona xagaagan, sida ay warineyso Sport .

Da’yarka kooxda Estoril ee Gilson Tavares ayaa soo jiitay indhaha Juventus iyo Roma. Calciomercato

Robert Lewandowski ayaa digniin u diray Herbert Hainer, iyadoo madaxweynaha Bayern Munich uu ku adkeystay in weeraryahanka lala xiriirinayo Barcelona uu sii joogi doono ilaa 2023. Goal

Aston Villa ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marseille Boubacar Kamara – sida laga soo xigtay The Sun.

Antonio Rudiger ayaa shaaca ka qaaday in  cunaqabateynta la saaray Chelsea  aysan ahayn sababta uusan u cusbooneysiin qandaraaskiisa Chelsea. Goal

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*