Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Axad Ah 17-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United  ayaa dhameystirtay saxiixa  Lisandro Martinez  oo ay kala soo wareegeen Ajax, iyadoo daafaca heerka caalami. goal

Milan ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto Renato Sanches xagaagan iyadoo PSG ay ka gaabisay inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe, sidaas waxaa qortay Gazzetta dello Sport.

Ajax ayaa heshiis 22 milyan euro ah iyo 5 milyan oo euro oo dheeri ah ku doonaysa daafaca Rangers Calvin Bassey, sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Chelsea ayaan iibin doonin weeraryahan Armando Broja xagaagan, iyadoo bixitaan kasta oo weeraryahanka Albania uu noqon doono heshiis amaah ah, sidaas waxaa qortay Mail Online.

Tababaraha cusub ee kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu sii haysto adeega xiddiga reer Brazil ee Neymar, haddana go’aanka kama dambaysta ahi aanu ahayn mid gacantiisa ku jira L’Equipe .

Wayne Rooney ayaa doonaya inuu keeno saaxiibkiisii ​​hore ee Manchester United Phil Jones DC United – sida laga soo xigtay Daily Star

Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa si toos ah ugu wacay weeraryahankii hore ee Juventus Paulo Dybala si uu ugu biiro xagaaga – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Juventus ayaa diyaarinaysa lacag dhan 45 milyan oo euro (£38m/$45m) oo ay kula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Roma ee Nicolo Zaniolo – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*