
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Sadio Mane ayaa lagu wadaa inuu u safro Jarmalka Talaadada si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Bayern Munich, sidaas waxaa qortay Daily Mail .
Chelsea ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling halka wadahadalada lagu iibinayo Romelu Lukaku ay socdaan GOAL
Zinedine Zidane ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu dib ugu soo laabto shaqada tababarka. Goal
AC Milan ayaa heshiis la gaartay xidigii hore ee Real Madrid Marcelo. Sida laga soo xigtay AS
Weeraryahanka Juventus Matteo Brunori ayaa u muuqda mid ku biiraya Cagliari xagaagan Xiddiga reer Brazil ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda Palermo ee Seria C, Calciomercato
Everton ayaa, si rasmi ah u xiisaynaysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Harry Winks. sida laga soo xigtay Football Insider
Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa Everton tartanka loogu jiro xiddiga Manchester City Oleksandr Zinchenko, sida ay qortay Daily Mail
Borussia Dortmund ayaa miiska saartay €33 milyan (£28m/$35m) oo ay ku doonayso weeraryahanka Ajax Sebastien Haller. sida laga soo xigtay Voetbal International ,
Antoine Griezmann ayaa rajeynaya inuu arko Atletico Madrid oo amaahdiisa Kooxda ka dhigeysa mid rasmi ah sida ay warineyso AS .
Daafaca Napoli Kalidou Koulibaly ayaan wax xiiso ah u qabin u dhaqaaqista Juventus xagaagan, sidaas waxaa wariyay Il Mattino .
Be the first to comment