Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Axad Ah 22-da January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato da’yarka Brazil Vitor Roque oo ka tirsan Athletico Paranaense sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Roma ayaa isha ku haysa Hakim Ziyech oo Chelsea ka tirsan si ay u badasho Nicolo Zaniolo, La Gazetta dello Sport

Manchester City ayaa Liverpool kaga horaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham sida laga soo xigtay Daily Star .

David De Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu dhimo mushaarkiisa si uu u kordhiyo sii joogistiisa Manchester United sida laga soo xigtay The Sun.

Declan Rice ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay halka uu ku sii jeedo marka uu ka tago West Ham United xagaaga dambe waxana ay noqon doontaa Arsenal sida uu sheegay saxafiga Jacob Steinberg .

Bayern Munich ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta Eric Maxim Choupo-Moting sida uu sheegay agaasimaha ciyaaraha ee Hasan Salihamidzic.

Inter ayaa isha ku heysa inay xagaaga u dhaqaaqdo Chris Smalling, La Gazzetta dello Sport ayaa werrineysa.

Liverpool ayaa la saadaalinayaa inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolves Matheus Nunes ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga sida uu sheegay saxafiga Ryan Taylor oo u waramaya Caughtoffside .

Everton ayaa u soo baxday inay tahay kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga Chelsea Hakim Ziyech sida laga soo xigtay Daily Mail .

Nottingham Forest ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhaye Keylor Navas, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*