
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Chelsea ayaa horeba u ogolaatay inay Romelu Lukaku uu xilli ciyaareedkii labaad amaah ku joogo Inter. sida laga soo xigtay The Sun
Tottenham ayaa diyaar u ah inay si joogto ah ula wareegto Tanguy Ndombele xagaagan, sidaas waxaa qortay Media Foot .
Manchester United ayaa ka niyad jabsan dadaalka ay ugu jirto in Frenkie de Jong uu kasoo tago Barcelona, Xiddiga Lazio Sergej Milinkovic-Savic ayaa la sheegay in uu ku fadhiyo booska ugu sarreeya liiskaas. Calciomercato
Eder Militao ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Real Madrid sida ay ku warameyso Marca
Manchester United ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso daafaca dambeedka midig ee Inter Denzel Dumfries – sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .
PSG ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa daafaca midig ee xulka qaranka France Nordi Mukiele oo ka imaanaha RB Leipzig, sidaas waxaa qortay Daily Mail .
AC Milan ayaa loolan kula jirta Juventus iyo Sevilla saxiixa weeraryahanka Vicenza Tommaso Mancini, sida laga soo xigtay calciomercato.com.
Liverpool ayaa “aad u xiisaynaysa” ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham waxayna isku dayi doontaa 2023, sidaas waxaa qortay CaughtOffside .
Be the first to comment