Home Wararka Ciyaaraha Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Axad Ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Axad Ah 26 June

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Mohamed Salah ayaa sheegay inuu Liverpool joogi doono xilli ciyaareedka soo socda  iyadoon loo eegin waxa ka dhacaya qandaraaskiisa. Goal

Manchester City iyo Leeds ayaa hadda haysta dhammaan waraaqihii ay diyaar u ahaayeen inay u saxeexaan heshiiska Kalvin Phillips. Shuruudaha shakhsi ahaaneed ee horeba waa la isku raacay – Kalvin ayaa rabay kaliya City inuu u dhaqaaqo. Romano

West Ham ayaa u soo bandhigtay wakiilada Jesse Lingard heshiis ay kula soo wareegayaan xiddiga ka tagaya Manchester United, sida laga soo xigtay Sky Sports News .

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay hoygiisa hore isagoo Manchester United kaga soo biiray Juventus xagaagii 2021, laakiin albaabka ayaa u furan inuu  dib ugu laabto ​​Sporting.

Chelsea ayaa soo gudbin doonta soo jeedin cusub oo ay ku doonayso Raheem Sterling maadaama ay horayba uga shaqaynayeen. Tuchel ayaa raba xidigan. Sportsmole

Liverpool ayaa kalsooni ku qabta inay xagaaga soo aadan la soo wareegi doonaan Jude Bellingham oo kaga imaanaya Borussia Dortmund, sida laga soo xigtay The Sun.

Real Madrid ayaa qandaraaska u kordhin doonta xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ilaa 2027 Ekran Konur

 

 

Previous articleShan maalmood oo kaliya oo Ousmane Dembele sii ahaan doonaa ciyaartoy ka tirsan Barcelona
Next articleXiddiga reer Brazil ee Neymar Junior oo ka fiirsanaya in uu xagaagan iskaga tago PSG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here