Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Manchester United ayaa baacsaneysa xiddiga Leicester City Youri Tielemans suuqa kala iibsiga ee Janaayo sida uu sheegay SI .
Arsenal ayaa u aqoonsatay kabtanka West Ham Declan Rice bartilmaameedkooda ugu sareeya suuqa kala iibsiga xagaaga, sida laga soo xigtay The Times .
Agaasimaha ciyaaraha Dortmund ayaa xaqiijiyay in kooxdu aysan wali wax dalab ah ka helin xiddigooda khadka dhexe ee Jude Bellingham sida laga soo xigtay Kicker.
Manchester United ayaa wadahadalo la qaadatay Inter oo ku aadan daafaca dambeedka midig ee Denzel Dumfries sida laga soo xigtay TuttoMercatoWeb .
Kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr ayaa wadahadalo la furtay Keylor Navas oo ka tirsan Paris Saint-Germain ka dib markii uu dhaawac soo gaaray goolhayaha koowaad ee David Ospina, sida laga soo xigtay Marca .
Daafaca kooxda Arsenal William Saliba ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay la xiriirtay wakiilkiisa iyo laftiisa si ay u helaan heshiis kordhin. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa u sheegay Evening Standard
Newcastle United ayaa diyaar u ah inay amaah kula soo saxiixato Memphis Depay Barcelona suuqa January sida laga soo xigtay Football Insider .
Memphis Depay kuma biiri doono Inter, sidoo kale Joaquin Correa uma jihaysan doono dhanka kale si uu ugu saxiixo Barcelona, maadaama wadahadalo heshiis ah oo ay ku lug lahaayeen labada ciyaaryahan ay ku guuldareysteen. sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Relevo
Brighton ayaa qarka u saaran inay ku ogolaato Leandro Trossard aduun dhan 25 milyan ginni bisha Janaayo sida laga soo xigtay talkSPORT .
Garabka kooxda Borussia Dortmund Jayden Braaf ayaa u saxiixay kooxda ka ciyaarta Serie A ee Hellas Verona, kooxda reer Talyaani ayaa xaqiijisay .
Newcastle United ayaa isha ku haysa inay iska iibiso khadka dhexe ee Ryan Fraser bisha Janaayo sida laga soo xigtay The Athletic .