Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Isniin Ah 16 May

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Dani Alves ayaa ka codsaday Barcelona heshiis kordhin.GOAL

Arsenal ayaa ku dhow inay Aaron Hickey kala soo wareegto Bologna, sida ay ku warameyso Calciomercato

Newcastle iyo Aston Villa ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Leeds United ee Kalvin Phillips xagaagan, sida laga soo xigtay Football Insider .

Barcelona ayaa ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixdo Gavi, sida laga soo xigtay COPE .

Real Madrid ayaa dhameystirtay heshiiska Kylian Mbappe, sida ay ku warameyso Marca .

Laacibka amaahda uga maqan Arsenal ee William Saliba ayaa qirtay inuusan hubin mustaqbalkiisa ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta da’yarta sanadka ee Ligue 1 ee 2021-22. Goal

Arsenal ayaa dooneysa inay diyaariso heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin Pablo Mari iyo Udinese Nahuel Molina – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*