Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Isniin Ah 18-ka July

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Roma oo xiiseyneysa saxiixa Ola Solbakken xagaagan, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Chelsea ayaa Jules Kounde ka gudbisay dalab dhan 55 milyan oo euro (£47m/$56m) sida ay ku warameyso Sport .

Goolhayaha Barcelona Neto ayaa go’aansaday inuusan xagaagan ku biirin Celta, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

AC Milan ayaa laga yaabaa inay lasoo saxiixato Georginio Wijnaldum sida ay ku warameyso Calciomercato

West Ham ayaa kalsooni ku qabta inay la soo saxiixan doonaan Jesse Lingard maadaama la filayo inuu go’aan gaaro isbuucaan. Sida laga soo xigtay Evening Standard ,

Juventus ay isku dayeyso inay Inter Milan ka afduubato isku day ay ku dooneyso Gleison Bremer oo ay haatan ku kalsoon tahay inay heshiis la saxiixan doonto. Goal

Arsenal ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan, xiddiga reer Brazil Lucas Paqueta ayaana ku haboon booskooda. sida laga soo xigtay Media Foot.

Erik ten Hag ayaa doonaya in uu dalab u diro 24 jirka Ac Milan ee Ismael Bennacer, sida laga soo xigtay Calciomercato.

Newcastle United ayaa isha ku heysa inay la soo wareegto xiddiga Everton Anthony Gordon, sida laga soo xigtay The Sun.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*