
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Manchester United ayaa loo soo bandhigay rajada ay ku dooneyso daafaca Ajax Lisandro Martinez, iyadoo De Telegraaf uu wariyay in Arsenal ay dooneyso inay ka laabato heshiiska. De Telegraaf
Chelsea ayaa hogaanka u haysa kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Arsenal tartanka loogu jiro weeraryahanka Everton Richarlison, sida ay sheegtay Independent .
Cristiano Ronaldo ayaan dib ula midoobi doonin saaxiibkiis reer Portugal ee Macalin Jose Mourinho marka la eego Roma, sidaas waxaa qortay Corriere dello Sport
Raheem Sterling ayaa xiiseynaya inuu ka dhaqaaqo Manchester City kuna biiro Chelsea. sida laga soo xigtay ESPN
Frenkie de Jong ayaa lagula taliyay inuu iska diido Kooxda Manchester united taladaasi oo uga timid Qaar kamid ah la taliyaashiisa. Mundo Deportivo
Gabriel Jesus ayaa la filayaa inuu noqdo xidiga ugu horeya ee Manchester City xagaagan iyadoo ay raaci doonaan ciyaaryahano magac sare leh, GOAL
Manchester United ayaa Arsenal kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca reer Argentina ee Lisandro Martinez. sida laga soo xigtay Mirror ,
Chelsea ayaa qarka u saaran inay kula tartanto Manchester City saxiixa Marc Cucurella. Sida laga soo xigtay Daily Mail
Be the first to comment