Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Isniin Ah 23-da January

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato daafaca Ajax Jurrien Timber bisha Janaayo sida uu sheegay wariye Dean Jones via GiveMeSport .

Liverpool ayaa qarka u saaran inay dib ugu yeerto daafaca da’da yar ee Rhys Williams amaahdii uu ku joogay Blackpool sida laga soo xigtay The Athletic .

Arsenal ayaa isha ku haysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Weston McKennie, waxaana laga yaabaa inay kor u qaadaan xiisaha ay u qabaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo, sidaas waxaa qortay La Gazzetta dello Sport .

Iyadoo lala xiriirinayo Manchester United, Harry Kane ayaa laga yaabaa inuu dhawaan heshiis cusub u saxiixo Tottenham Hotspur sida laga soo xigtay The Athletic .

Arsenal ayaa xaqiijisay saxiixa Jakub Kiwior oo ay kala soo wareegeen Spezia. Sida lagu qoray Arsenal Twitter

Chelsea iyo Newcastle United ayaa doonayay inay la soo saxiixdaan Youssoufa Moukoko bishii Janaayo ka hor inta uusan wiilkaan mustaqbalkiisa u hilinin Dortmund inuu u saxiixo qandaraas kordhin sida uu sheegay saxafi Fabrizio Romano via Caughtoffside .

Milan ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Nicolo Zaniolo oo ka tirsan AS Roma waxayna Giallorossi u soo bandhigtay heshiis amaah ah oo ay waajib ku tahay inay iibsato, sida uu qabo Gianluca Di Marzio.

Aston Villa ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Marseille Matteo Guendouzi sida laga soo xigtay L’Equipe .

Leicester City ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo saxiixa garabka Shakhtar Dontesk Tete suuqa January sida laga soo xigtay The Telegraph .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*